HomeXukuumadda oo ka Jawaab Celisay kalsooni-darro Dawladda Ingiriisku ka Muujiyey Ammaanka Somaliland

Xukuumadda oo ka Jawaab Celisay kalsooni-darro Dawladda Ingiriisku ka Muujiyey Ammaanka Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

cukuseHargaysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland ayaa ka jawaab celiyey dhawaaq dawladda Ingiriisku muwaadiniinteeda uga digtay inay u safraan Somaliland iyo Somaliya, waxaanay wax laga xumaado ku tilmaantay inay dawladdaasi isbar-bar dhigto heerka ammaanka ee labada waddan.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyi-gelinta iyo Dhaqanka Md Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa dawladda Ingiriisku ugu baaqay inay kala saarto isla markaana aanay isku qaldin Somaliland iyo Somaliya.

Wasiirka oo maanta war-fidiyeennada kula hadlayey magaalada Hargeysa, waxa uu sheegay in Somaliland ay ka jirto nabadgalyo buuxda, sidaa daraadeedna aan loo baahnayn in dawladda Ingiriisku ku qaladdo dhibaatooyinka ammaan-daro ee ka jira Soomaaliya.

“Dawladda Ingiriiska iyo dawladaha kaleba waxaanu doonaynaa inaanu u caddayno annagu waxaanu joognaa dalkayagii oo xor ah oo nabad ah, nidaamkuna yahay kaa kala dambaynta ah, nidaamkaa uu sharcigu sarreeyo uu yahay, dalkayagu maaha mid fowdo ka jirto. Somaliland waa meeshaa ILAAHAY ka sakow uu qofka nabadgalyada ku nool yahay oo dawladnimana ka jirto,” ayuu yidhi Wasiirka Warfaafintu, waxaanu intaas ku daray, “Ingiriiska iyo dawladaha kale waxaanu ugu baaqaynaa in aanay xaqiiqda Somaliland ka jirta indhaha ka qarsan oo aanay barbar dhigin Soomaaliya,”ayuu yidhi Md Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ingiriiska, ayaa dhowr jeer ooh ore soo saartay digniino ay muwaadiniinta ku wargelinayso inaanay u safrin dalkaasi Soomaaliya oo ay Somaliland ku jirto, arrintaas oo sababtay in xukuumadda Somaliland dawladda Ingiriiska u dirto wefti heer wasiir ah oo arrintan wada-xaajood kala yeesha masuuliyiinta wasaaradda Arrimaha dibadda ee dalkaas, waxaanay  xukuumaddu markii dambe sheegtay inay dawladda Ingiriisku ku qanciyeen inay dib u eegaan isla markaana wax-ka-beddel ku sameeyeen go’aankoodaas,  balse dhawaaqan dambe ayaa daboolka ka qaadaya inaanu jirin wax isbeddel ah oo ka muuqda go’aankii hore ee dalkaasi ku qiimeeyey heerka nabad-gelyada ee Somaliland.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories