HomeXukuumadda oo ka hadashay Xasuuqa ay Ciidamada Itoobiya u Geysteen Shacabka Xoolo-dhaqatada...

Xukuumadda oo ka hadashay Xasuuqa ay Ciidamada Itoobiya u Geysteen Shacabka Xoolo-dhaqatada ah ee Bariga Gobolka Ismaamulka Soomaalida

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa, 18 March, 2012 (SLpost)- Xukuumadda Somaliland ayaa markii ugu horreysay ka hadashay dagaal xasuuq ah oo ay Ciidamada Liyuu Booliska Itoobiya kula kaceen dad shacab Xoolo-dhaqato ah oo ku dhaqan deegaanno hoos-taga degmeda Gaashaammo ee Bariga Ismaamulka Soomaalida Itoobiya, kuwaasoo dhac, dil iyo dhaawac u geystay shacabkaas, gubayna magaalooyin dhawr ah.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Cismaan Garaad Soofe oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa, ayaa sheegay inay Xukuumadda Somaliland dagaalka ka dhacay deegaannada hoos taga Gaashaammo, kala hadlayaan dawladda federaalka Itoobiya, isla markaana waxa uu ku baaqay in la joojiyo dagaalkaas ay Liyuu Booliska Itoobiya ku qaadeen shacabka xoolo-dhaqatada ah.

“Degaanka shalay dagaalku uu ka dhacay ee Hawdka waxa ku dhintay tiro dad ah oo aad iyo aad ayaanu uga xunnahay arrintaas Xukuumad ahaan. Dadkii halkaas ku dhintay waxaannu Illaahay uga baryeynaa in uu Jannada ka waraabiyo, eheladooda-na Samir iyo Iimaanka siiyo. Arrintaas Xukuumad ahaan waxaannu ka qabnaa waxay tahay dadka halkaas ku dagallamaaya, dagaalladaasi inay noqdaan kuwo joogsada oo labada dhinacba waxaan u diraynaa baqaas ah inay dagaalka joojiyaan,” ayuu yidhi Wasiir ku-xigeenka arrimaha gudaha Somaliland Cismaan Garaad.

Cismaan Garaad Soofe, ayaa sheegay in Somaliland door weyni uga bannaan yahay ka hadalka dagaalkaas shacabka lagu xasuuqay, waxaanu yidhi, “Door wayn ayaa nooga bannaan marka runta laga hadlo dadkaasi ha degganadeen dhinaca Itoobiya, hase ahaatee waannu naqaannaa inay yihiin dad Soomaaliyeed oo waa reer guuraa marba dhinac ayey jiraan, dadka reer Somaliland ah ee ka tallabaaya Xuduudda iyaga oo doonaya Biyo iyo Baad runtii xaggaa kalana waa laga soo gudbaa markay timaaddo duruuftaas oo kale.”

“Markaa, labada dhinacba dadkaas door wayn ayaa nooga bannaan hadday xaggaa jiraan Dawladda Itoobiya waxaanu uga baahannay dadka ku dhaqan Xududeheeda ee reer Somaliland ah ee daaqa u deggan ama deegaan ahaan u deggan waxa loo bahan yahay inay badbaadiyaan markay sidaas oo kale dhacdo,” ayuu yidhi Wasiir ku-xigeenka arrimaha gudaha Somalialnd Cismaan Garaad Soofe.

Wasiir ku-xigeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray, “Itoobiya waxa ka jooga Wakiil u fadhiya magaalada Hargeysa oo isaga ayaannu farriimaha u marinaynaa oo aannu kala hadalaynaa arrimaha dhacaya inkasta oo laga warhayo, haddana sidii la isaga kaashan lahaa, amniga oo labada dalba waa u dan, marka tan laga hadlaayo oo waxa naga dhaxeeya xidhiidh fiican dalka iyo dadka Itoobiya.”

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories