HomeXukuumadda oo Ka hadashay Xadhiga Salaadiinta Iyo Taliye-xigeenka Laanta Socdaalka

Xukuumadda oo Ka hadashay Xadhiga Salaadiinta Iyo Taliye-xigeenka Laanta Socdaalka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargaysa(SLpost)-Wasaaradda arrimaha gudaha ee Somaliland ayaa ka hadashay sababta keentay in la xidho taliye xigeenka laanta socdaalka Somaliland  Gaashàanle Maxamed Saleebaan Xasan (Sablaale) oo maalmihii u dambeeyay Hargeysa ku xidhan.

 

Wasiir kuxigeenka wasaaradda daakhiliga ee maamulka gobolada iyo degmooyinka Axmed Faarax Cadarre, ayaa sheegay in taliyaha loo xidhay amar wasiirka daakhiligu siiyay oo uu diiday.

Mudane Cadarre oo wargeyska Saxansaxo la hadlay ayaa waxa uu yidhi“Taliye kuxigeenka waxaa loo xidhay amar diido uu sameeyay. Wasiirka waxay iskugu dhaceenna waa amar diidadaas uune wax kale maaha. Waxa keenay xadhigiisa anshaxa ayaa la marinayaa,”

 

Taliye xigeen Sablaale ayaa dhawr cisho ka hor la xidhay, isagoo ilaa haddana xidhan. Waxa la sheegay in wakhtiga la xidhay ay shir kuwada lahaayeen wasiirka daakhiliga wasaaradda arrimaha gudaha.

 

Dhinaca kale mudane Axmed Faarax Cadarre, waxa uu sheegay in ciidda kadib sharciga la hor gayn doono salaadiin xidhan “ Salaadiinta waxaa sharciga la hor gayn doonaa marka Ciidu ina dhaafto, markaas baa shaqadooda la gali doonaa,” ayuu yidhi mr Caddarre.

Boqor Raabi iyo Suldaan Mawliid Sabayste, ayaa muddo todobaado ah ku xidhan magaalada Hargeysa kadib markii xukumaddu ku eedaysay kicin iyo arrimo ammaanka ka dhan ah

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories