HomeXukuumadda Oo Ka Hadashay Weerarkii Lagu Qaaday Guriga Badhasaabka Gobolka Awdal

Xukuumadda Oo Ka Hadashay Weerarkii Lagu Qaaday Guriga Badhasaabka Gobolka Awdal

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

 

Boorama(SLpost) – Ugu yaraan 2 ka mid ah ilaalada badhasaabka gobolka Awdal ayaa dhintay kadib markii dablay hubaysani soo weerartay gurigiisa oo ku yaala magaalada Boorama. waxaa sidoo kale hawlgalkaasi ku dhaawacmay laba ilaalada badhasaabka ah.

 

Badhasaabka Awdal Maxamuud Saleebaan Ramaax, ayaa BBC-da u sheegay in abaaro Salaaddii subax ka hor gurigiisa la soo weeraray islamarkaana ay difaaceen ilaaladiisa, kadibna dablaydu u carartay dhinaca Xuduudka oo aan ka fogayn magaalada Boorama, waxaanu sheegay in halkaasi ciidamada Ammaanka Somaliland iyo Kooxdu isku baacsadeen.

 

Wasiir kuxigeenka gobolada iyo degmooyinka Axmed Faarax Cadarre, ayaa sheegay in lagu dabo jiro dablayda weerarka gaystay “ Waxaa naloo sheegay in kooxdu magaalada gudaheeda ku jireen, laguna daba jiray laakiin, nasiib darro falka markay gaysteen way baxsadeen, waana lagu daba jiraa raadkoodiina waa la hayaa,” ayuu yidhi wasiir xigeenku.

 

Wasiir xigeenku waxa uu sheegay inay hayaan caddaymo muujinaya in kooxdaasi ka tirsan tahay kooxda Suldaan Wabar “ Waanu haynaa wararkooda oo tafotiran arrimahaasina waa kuwo u gaar ah ammaanka,” ayuu yidhi Mr Cadarre.

Dhanka kale, wasiir xigeenku waxa uu ka hadlay ganacsato iyo dad kale oo ilaa 7 lagu sheegay tiradooda oo lagu xidhay Boorama “ Fal dambiyeed marka uu dhaco cid allaale cidii la tuhunsan yahay waa habka dawladnimo in la xidho inta la baadhayo amma lagu caddaynayo,” ayuu yidhi.

 

Wasiir kuxigeenka oo wax laga waydiiyay in weerarkani dhaawacayo heshiiskii Somaliland iyo Ethiopia dhawaan kala saxeexdeen ee ahaa in Suldaan Wabar mawqifkiisa ka tanaasulo ama Ethiopia soo qabto ayaa ku jawaabay “ Dhaawac badan gaadhsiin maayo, maxaa yeelay heshiisku waa socdaa, waanay ku hawl jiraan intaanu ka war hayno eenu wada xidhiidhno Ethiopia, wax badana way qabsoomeen, inta hadhayna inshaa Allah waxaanu rajaynaynaa in iyagoo gacanta ku haya ay noo soo gacan galiyaan ama ay noo fasaxaan aanu gacanta ku soo qabannee.”

 

Somaliland iyo Ethiopia ayaa dhawaan Diridhaba ku kala saxeexday heshiis dhinaca ammaanka ah oo nuxurkiisu ahaa inaan dalna marti galin ama ogolaan in dalkiisa ay joogaan cid ka soo horjeeda dalka kale. Ethiopia ayaa heshiiska ku saxeexday inaanay ogolaan doonin in ciideeda ay joogaan cid Somaliland ka soo horjeeda, halka Somaliland aanay ogolaan doonin cid ka soo horjeeda Ethiopia, balse kooxda Wabar oo u talowda dhinaca Ethiopia waa ta lagu tijaabin doono heshiiskan labada dal.

Boorama waxaa ka socda ciyaaraha gobolada Somaliland wajigooda koobaad ee isreebreebka, halkaasi oo ay ku sugan yihiin madaxda gobolada iyo ciyaartoyga gobolada Maroodijeex, Saaxil, Salal,Gabiley, Awdal, Buuhoodle iyo Hawd.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories