HomeXukuumadda oo ka hadashay Weerar Dadweyne Gadoodsani ku Gubeen Guriga Taliyaha Booliska...

Xukuumadda oo ka hadashay Weerar Dadweyne Gadoodsani ku Gubeen Guriga Taliyaha Booliska Awdal iyo Rabshadihii ka dhashay Ciyaartii shalay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

CadarreHargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay weerar dadweyne gadoodsani ku qaadeen Guriga uu magaalada Boorama ku leeyahay Taliyaha Qaybta Booliska ee Gobolka Awdal.

Sidoo kale waxa ay xukuuumaddu ka hadashay Dhacdo maalintii shalay sababtay dhimashada Hal Qof kaddib markii rabshado ka dhasheen kulan shalay magaalada Borama ku dhex-maray Gobollada Maroodijeex iyo Awdal.

Wasiir ku xigeenka Wasaarada Arimaha Gudaha somaliland Axmed Cadare ayaa sheegay in Gurigii Taliyaha booliska Boorama Lagubay,iyaga oo ciidankuna daba gal ku hayaan cidii ka danbaysay,sharcigana la horkeeni doono. Axmed Cadare waxa uu dhibta soo noq-noqotay sabab uga dhigay Ciyaaraha Gobolada oo ka Socda Awdal iyo shaqaaqooyin ka Taagan deegaankaasi,isaga oo qoyskii ay wiilka Yari ka Geeriyoodayna Ka Tacsiyadeeyay,sheegayna in Ciidanku Amaank Gobolka Gacanta ku hayaan.

Amaanka oo la Sugayay uunbay Rabshadi ka Dhacday Goobtii Ciyaarta,Runtii Aad iyo Aad ayaanu uga xunahay dhibkaas goobta ka dhacay ee keenay dhimashada,waxaanu tacsi u diraynaa Qoyskii uu ka Baxay iyo Shacabka Somaliland,Maantana Magaaladu way Dagan tahay Xoogaa Buuq ah ayaa bilaabmay Balse Ciidanka Qaranka iyo Odayaashii Deegaanka ayaa Baajiyay,” ayuu yidhi isaga oo maanta wasiirku la hadlayey Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da.

Wasiirka oo hadalkiisa intaas waxa uu ku daray Axmed Cadare Wasiir ku xigeenka Amaanka oo Hadalkiisa siiwata waxaana uu yidhi,”Runtii way jirtaa in la Gubay Gurigii Taliyaha Ciidanka Booliska ee Gobolka Boorama,Falkaasi inuu dhacana waan ka Xumay Runtii,Danbigaasina waxa uu ahaa Mid adag,lakiin dadkii Falkaasi ka danbeeyayna Baadhis ayaa Socota Sharcigana waa la Horkeeni Doonaa.”

“Buuqa waa dhashaa Marka uu dhashana ciidankuna waxa ay isku dayaan intaanay dhibtu badan in ay kala kaxeeyaan,waana Nasiib daro dhacday runtii oo isku beegan tay soona noq-noqotay,waana lagu dabar jiraa oo falkaasi cidii ka danbaysay sharciga ayaanu marin doonaa,” ayuu yidhi Wasiirka

Axmed Cadare ayaa Qiil ka dhigay inaanay Ciidanku Haysanin Qalabkii Loogu talo galay Mudaharaadka,markaasna ciidanku ay haystaan oo kaliya Xabad Nool oo loo adeegsanayo Cid kasta oo Dhibaato Samaysa.

“Waa mid meesha taala, laakiin markasta waxaas aad hayso ee gacanta kuugu jira ayaad weheshan kartaa,waa arin Caalamka ka Mid Ah in ciyaar la qabtaa,ciyaartiina qaarkoodi isku badasho dhibaato waa qayb nolosha ka mid ah,markasta itaalka iyo awooda aad goobtaas la joogto ayaad adeegsan kartaa ood wax ku qabanaysaa,” sidaas ayuu yidhi Wasiirku.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories