HomeXukuumadda oo ka hadashay Wakhtiga la furayo Madaarka Berbera iyo Cabasho ka...

Xukuumadda oo ka hadashay Wakhtiga la furayo Madaarka Berbera iyo Cabasho ka taagan Shaqaale Cusub oo loo qaadanayo

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland, ayaa sheegtay un la dhammeystiray dib-u-casriyeynta iyo Qalabaynta madaarka Caalamiga ah ee Berbera oo ay gacanta ku hayso shirkad xukuumaddu ku wareejisay.

Maamulaha Hay’adda Duulimaadyada iyo Madaarada Somaliland Cumar Cabdilaahi Aadan (Cumar-Sayid) ayaa sheegay in bisha November ee sannadkan la furi doono Madaarka Berbera oo ka mid ah garoomada diyaaradaha ee ugu weyn qaaradda Afrika.

blank
Madaarka Berbera

“Dawladda Somaliland waxa ay Madaarka Berbera heshiis kula gashay Shirkad Caalami ah oo ka shaqaynaysa inuu noqdo mid ka tilmaaman Geeska Afrika, waxaana loo dhammaystiray qalabayntiisii, waxaana la furi doonaa 21-ka Bisha November Madaarkaas oo waddankeena ahmiyad u leh, waayo? Marka Deked Caalami ah la sameeyo, waa in Madaar Caalami ah la sameeyo,” Sidaas waxa yidhi Maamulaha Hay’adda Duulimaadyada iyo Madaarada Somaliland Cumar Cabdilaahi Aadan (Cumar-Sayid) oo warbaahinta la hadlay.

Dhinaca kale, waxa uu Maareeyuhu ka hadlay Cabashooyin ka jira nidaamka loo maamulay Shaqaale cusub oo loo qaadanayo madaarka magaalada Berbera, waxaanu sheegay in la saxay wixii Cabashooyin ah ee ka soo baxay qaadashada Shaqaalaha madaarka Berbera.

“Shirkadaas Gacanta ku haysa Madaarka ayaa shaqaale cusub qoranaysa, waana la isla saxay wixii ka soo noqday, waxaanu isla garanay in shaqaalaha dib loo baahiyo, dhammaan dhallinyarada Somaliland way soo gudbin doonaan CV-yadooda, iyadoo aanu ka wada-shaqayn doono hay’adda shaqaalaha dawladda iyo Wasaarada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

“Dhalinyarada si siman ayay ugu tartami doonaan sida xeerarka waddanka sheegayaan gobolka shaqada laga qabanayaa waxa uu xaq u leeyahay boqol kiiba toban, diyaar ayaana loola yahay dhalinyarada ku nool gobolka Saaxil, qaranka ayay muhiim u yihiin, cidina ma dafiri karto xaqooda,” Sidaas ayuu yidhi Maamulaha hay’adda Madaarrada Somaliland.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories