HomeXukuumadda Oo Ka Hadashay Shaqaalaha Ajaanibka Ah Ee Dalka Ka Qabta Shaqooyinkii...

Xukuumadda Oo Ka Hadashay Shaqaalaha Ajaanibka Ah Ee Dalka Ka Qabta Shaqooyinkii Muwaadiniinta

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

(SL.Post) Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Maxamed Cabdilaahi Obsiiye, ayaa ka hadlay shaqo la’aanta baahsan ee dalka ka jirta, iyo shaqaalaha ajaanibka ah ee dalka ku soo badanaya, waxaanu sheegay inay wax ka qaban doonaan, oo ay dib u eegi doonaan, isla markaana muhiimada kowaad ay siin doonaan Shaqaalaha dalka u dhashay.

hq720

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Maxamed Cabdilaahi Obsiiye oo Wargeyska Geeska Afrika  oo aanu warkan ka soo xiganay u waramaya ayaa sidoo kale ka hadlay kaadh qaadashada ka bilaamatay qaar ka mid ah Gobolada Somaliland iyo abaaraha dalka ka jira, waxaanu ugu horeyn yidhi isagoo ka hadlaya shaqaalaha ajaanibka ee dalka ku soo badanaya, “Waa dhab in shaqo la’aani dalka ka jirto, balse madaama aynu nahay dal aan wali aqoonsi helin, wixii tamarteena ah weynu dadaalnaa, waxaana xaqiiqo ah in Xukuumaddu mar walba awooda saarto sidii shaqo abuur u sameeyn lahayd, shaqo la’aantana u yarayn lahayd, markaas waxaanu awooda saari doonaa sidii aanu muhiimada iyo ahmiyada kowaad la siiyo Shaqaalaha muwaadiniinta ah, oo shaqo ay qaban karaan Muwaadiniinta reer Somaliland, kama shaqeeyn doonaan Shaqaale ajaanib ah, arintaasna qorshe ayaanu ka leenahay.”

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada mar uu ka hadlaayey kaadh qaadashada ayaa yidhi “Kaadhkii lagu galaayey Doorashada, wuxuu ka bilaamay Gobolada Awdal iyo Saaxil, markaas waxaan dadka farayaa oo aan ku baraarujinayaa inay qaatan kaadhadhka, si ay ugu coddeeyaan”.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa dhinaca kale wuxuu ka hadlay abaaraha wali dalka ka jira, waxaanu sheegay in Xukuumaddu wali dadaalkii gurmadka wado, dadkana looga baahan yahay inay is caawiyaan, waxna isku qabtaan.

Somalilandpost.net.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories