HomeXukuumadda Oo Ka Hadashay Sababaha Baajiyey Shirkii Burco Ee Madaxweyne Sillaanyo Hore...

Xukuumadda Oo Ka Hadashay Sababaha Baajiyey Shirkii Burco Ee Madaxweyne Sillaanyo Hore U Iclaamiyey Iyo Diidmadii Cali Khaliif

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SL.Post) Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa ka hadlay ababaha uu Dib ugu Dhacay Shirkii Beelaha Gobollada bari ugu qabsoomi lahaa Magaalada Burco, 25ka bishan tobnaad ee sanadka 2016, sida uu Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed-Silaanyo uu hore ugu dhawaaqay oo ku beegnayd dorraad.

daawo-m-1

Wasiirku waxa kale oo uu jawaab ka bixiyey dhawaaqyada diidmada ee ka soo yeedhaya siyaasi Cali Khaliif Galaydh ee ku aadan qabsoomida shirkaasi.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud (Faratoon) oo u waramay Wargeyska Himilo oo aanu warkan ka soo xiganay ayaa ugu horreyn  weydiinay sababta uu dib ugu dhacay shirkii Burco ee hore Madaxweynaha Somaliland ugu cayimay inuu Magaalada Burco ku qabsoomo 25ka bisha tobnaad ee 2016, “Shirkaasi sidii loogu tallo galay ayuu wali u qorshaysan yahay, waana la qabanayaa, waxaase is beddeshay muddadii hore loogu cayimay in la qabto, balse sababo badan dartood ayey u suurto gali weyday in la qabto shirkaasi xilligii loo cayimay, mana aha dhinac kaliya oo ah Xukuumadda ee dhinaca kalena wakhtigii ayaa ku yaraaday ay ku diyaar garoobi lahaayeen, sidaa awgeed ayaa shirkaasi dib ugu dhacay, laakiin halkiisii ayuu u qorshaysan yahay waanu dhici doonaa”.

Wargeyska Himilo waxa kale oo uu wasiirka weydiiyey inuu faahfaahin ka bixiyo sababaha dib u dhaca keenay waxay yihiin “Maaha wax weyn oo muhiim ah iyo diidmo iyo warwareeg midna, balse waa wax caadi ah oo waxa jira xagga dawladda inay aad u mashquulsan tahay oo ay hawlo badan ku jirto, dhinaca dadkii deegaanka ee shirka loo qaban lahaana waxa cidhiidhi ku noqday wakhtigii ay ugu diyaar garoobi lahaayeen, Sidaa darteedna waxa labada dhinacba  loo arkay in waqtigan shirka hore loogu cayimay ee ahaa 25,OCT,2016 inay degdeg ku tahay oo dib loo dhigo”.

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Gudahu oo Wargeyska Himilo weydiiyey sida uu arko in Cali Khaliif Galaydh uu ka soo horjeedo qabsoomidda shirkaasi ayaa waxa uu ku jawaabay “Cali Khaliif Galaydh, isaga ayey la jirtaa waxa uu ku hadlayaa, mana aha wax khuseeya shirkan ee Waa qof rayigiisa ka hadlay, markaa wax macno ah uguma fadhido halkan”.

Wasiir Faratoon, waxa uu intaasi ku daray in dib-u-dhaca shirkaasi aanu ka badnaan doonin muddo bil ah, balse haatan aanu si rasmi ah u sii sheegi Karin waqtiga la qaban doono.

Somalilandpost.net

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories