HomeXukuumadda oo ka hadashay Saamaynta Cunaqabataynta Hubka ee laga qaadayo Somalia ku...

Xukuumadda oo ka hadashay Saamaynta Cunaqabataynta Hubka ee laga qaadayo Somalia ku leedahay Somaliland Iyo Isku-dhac Dhexmaray Laba Beelood

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland ayaa shaaca ka qaaday inay ka soo horjeeddo in cuno-qabataynta hubka laga qaado Soomaaliya. Taasi oo Golaha Ammaanka ee Qarramadda midoobay ka baaraan degayaan.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Warfaafinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo maanta u warramay HCTV, ayaa wax kale oo uu ka hadlay shaqaaqo ka dhacday xeebta Galbeedka Somaliland oo dhexmartay laba beelood oo halkaas wada dega, waxaanu sheegay inay halkaasi geeyeen Ciidamo dheeraad ah oo kala dhex gala beelahaasi, taas oo uu sheegay inay ilaahay ka baryayan inuu kala qaboonjiyo, isla markaana gurmad weyn loogu jiro sidii loo damin lahaa shaqaaqadaasi.

cukuse“Mawqifka ay Somaliland ka qabtaa arrintaasi waa mid cad Hubka in loo fasaxo Somalia iyo cariga ay Soomaalidu dagtaba waqtigan xaadirka ah waa wax sharafa oo ku jiraa ma jiro, marka la eego sababo badan awgood hubku marka la fasaxayo ee uu imanayo ee uu nidaam dawliya ku imanayo waa inuu galaa gacan dawladeed,” ayuu yidhi Cabdilaahi Cukuse, waxaanu intaas ku daray hadalkiisa, “Waa inuu galaa gacan hayn karta oo xajin karta waa inaanu noqon hub ku kala fidaya ama gacanta uga gala maleeshiyaad iyo kooxo xag jir ah iyo qaar nabad diida iyo qabaa’il is haysta, waa inaanu noqonin matalan ciidamada Amison xilagan Somalia waxay ka samaysay waxooga nabad galayo ah, waxaan isleeyahay waxoogaa nabdadgalyada ah ee ay samaysay qayb buu ka ahaa hubkaa xayirnaa, markaa hubka hadii mar kale la fasaxo waxay ila tahay inuu u gacan galo gacan aan ahayn tii aaminka ahayd.”

Cabdilaahi Daahir, waxa kale oo uu ka hadlay shaqaaqo shalay gelinkii dambe ka dhacday xeebta Saylac gaar ahaan deegaanka Xariirad, taas oo sababtay dhimashada hal qof, waxaanuu sheegay in gurmad loo galay si loo qaboojiyo xiisadda ka oogan, “Dawlada Somaliland, waxay samaysay dedaal faro-badan bay gashay dedaalkaasi iyo xoogaasi Wasiiraa tagay habeen walbana waa loo soo jeedaa arrinkaasi sidii lagu dhamayn lahaa ILAAHAY-na, waxaanu ka baryeynaa inuu nagu garab qabto imikana arrinta Xariirad may ahayn arrin sidaa u sii balaadhan, waana arrin aanu ILAAHAY ka baryayno inuu qaboojiyo ciidamo faro badan ayaanU u dirnay oo kuwa amniga ah ilaa shalay , xalay baanay gaadheen, markaa waxaan ku niyadsamahay inay halkaasi dhawaan aRrinteedu dhamaanayso oo hadalkeeda soo noq-noqday ILAAHAY-na ha nala qabto,” ayuu yidhi Cabdilaahi Cukuse.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories