HomeXukuumadda oo ka Hadashay Mawqifkooda Qabashada Doodda Qaran, Khilaafka Golaha Wakiillada iyo...

Xukuumadda oo ka Hadashay Mawqifkooda Qabashada Doodda Qaran, Khilaafka Golaha Wakiillada iyo Shaqaaqadii shalay ka dhacday Burco

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka wasaaradda warfaafinta, wacyi-gelinta iyo Dhaqanka Somaliland Md. Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa bayaamiyay in xukuumada Somaliland ay oggoshahay qabashada Doodda Qaran ee xisbiyada mucaaridku ku baaqeen qabashadiisa, waxaanu tilmaamay in xukumadu gacan ka siin doonto sidii ay talo saalix ah uga soo saari la haayeen.

cukuseWasiir Cukuse oo shalay xafiiskiisa ku qabtay shir jaraa’id oo arrimahaasi ku faah-faahinyo waxa uu yidhi, “Anagu (xukuumada) wadatashi waanu ogol nahay, howsha uu gacanta ku hayay golaha guurtidu si fiican ayaanu u soo dhawaynaynaa, akadamiyada waanu soo dhawaynaynaa, waanu soo dhawaynaynaa in xisbiyada qaranku isu tagaan oo kawada hadlaan danaha dalka, doorashooyinka iyo danaha nabad galyada oo xukuumaduna gacan ka siiso wax kasta oo u fududeynaya inay talo saalaxa dhiiban”.

Wasiir Cabdillaahi Maxamed Daahir Cukuse, waxa kale oo uu sheegay in dalka uu ka socdo horumar iyo dib u dhis ballaadhan, isla markaana aanay maanta jirin balaayo qarankeena taala oo gurmad iyo ka soo kacaay u baahan waxaanu yidhi “xukuumaddan ayaa loo doortay in ay hogaamiso dalkan, dalkana horumar iyo dhisme ayaa ka socda, maanta ma ogi anigu balaayo qarankeena taala oo gurmad iyo ka soo kacaay u baahatay. dooddani waxay noqon doontaba akadamiyada ayay u taalaa oo u magac bixin-doonta laakiin dadka yaan lagu dawakhinin waa dood qaran waa dood ficiis ah, howl inaga inoo taala maaha, waxay u taalaa akadamiyada, golaha guurtida iyo xisbiyada qaranka ee wada hadlayay”.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta, waygalinta iyo dhaqanka Mudane Cabdillaahi Maxamed Daahir Cukuse, waxa kale oo ka hadlay muranka maalmaham dambe ka taagna golaha wakiillada Somaliland, kaas oo uu ku tilmaamay inuu yahay mid aan loo baahnay waxaanu yidhi “laba gole oo murma ma doonayno, gole gudihiisa murmana ma jeclin, qarankeena had iyo jeerraale muranka waxaa lagu dhameeyaa wadahadal, is-qancin iyo isu-tanaasul. Maxkamad ba yaanay idinka tagin’e orda oo waxaa tihiin odoyaashii dalkan mudada dheer u soo dagaalamayay’e sidii aad ku wadeen ee quruxda badnay ee aad saaxiibka u ahaydeen u ahaada, xeerarkiina hoose iyo nidaamkiina ku dhaqma oo is qanciya wax allaale wixii aad isla qaadataana xukuumad ahaan diyaar ayaanu u nahay”.

Mudane Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), waxaa uu tacsi u diray marxuum ku dhintay mudaharaad rabshado watay oo dorraad ka dhacay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, waxaanu shacbiga reer Burco u soo jeediyay inay nabad galayada illaaliyaan.

“Waxaan tacsi u dirayaa cid kasta oo dhimasho ama dhaawac ka soo gaadhay mudaharaadyo ka dhacay  Burco. mudaharaadkaas oo sababta uu u dhacay iyo khasaaraha ka dhashay aanay islahayn aad baan uga xumahay. Illaahayna waxaan ka rajeynaya in naxariistii janno ka waraabiyo qoyskii iyo eheladii uu marxuunku ka bxayna samir iyo iimaan ka siiyo, kuwa dhaawacmayna Illaahay ha u sahlo, waxaan ku hambalyaynayaa madaxda gobolka iyo wasiirada halkaasi joogaba howsha ay qabteen iyo duqayda, waxgaradka iyo waayeelka oo ka talinaysay nabada waxaan iyagana ku dhiirinayaa in howsha halkaa ka sii wadaan, waxaan shacbiga reer Burcona u soo jeedinaya inay nabad galayada illaaliyaan,” ayuu yidhi Wasiir Cukuse.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories