HomeXukuumadda oo ka Hadashay Hawlgallo ka Socda Xuddun iyo Guuritaanka Ciidanka Qaranka...

Xukuumadda oo ka Hadashay Hawlgallo ka Socda Xuddun iyo Guuritaanka Ciidanka Qaranka Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Xaysimo(SLpost)-Xukuumadda Somaliland, ayaa markii ugu horraysay ka hadashay dhaqdhaqaaqyo ay ciidamada qaranka ee Jiidda Barigu dhawaan  ku gaadheen Deegaanka Go’daale ee gobolka  Xaysimo, waxana ay xaqiisay inay ciidamadu hore uga guureen goobihii hore ee ay ku sugnayeen.

Wasiir-ku-xigeenka Amniga ee Wasaaradda arrimaha gudaha, ahna ku-simaha  Wasiirka Md Maxamed Muuse Diiriye oo  saxaafadda qaarkeed la hadlay, ayaa sheegay  in ciidamda qaranka  halkaas la geeyey, isagoo ujeeddada ku sheegay inay ka hortegayeen fadqalalo kooxo  hubaysani oo kasoo horjeeda baadhis shidaal oo Somaliland halkaas ka bilowday.

“Way jiraan in diyaaradihii sahaminta waday ay meeshaas  tageen, waana sahamin guud uune  ma aha batrol imika la baadhayo, ciidankeenu markii horena way joogeen imikana ciidan siyaado ah baa ku ruqaansaday” ayuu yidhi Maxamed Muuse Diiriye.

Wasiirka ayaa sheegay in Maleeshiyo hubaysan oo kooxda Khaatumo katirsani Ciidamo halkaa ku sugnaa rasaas ka rideen, isagoo tilmaamay in haatan ammaanku sugan yahay

“Meelaha xadka ku dhaw dhaw waa la sheegayey qolo khaatumo ah oo xabbado ka rid-ridday, sidaad darteed dawladdu hawsheedii waa gudatay intii joogtay mooyaane in kalena waa ku darnay, ammaankuna waa sugan yahay. Dhulkaasina waa dhul Somaliland oo muran kuma jirto, marmarka qaarkoodna tuug waa kusoo dhuuman karaa”ayuu yidhi wasiir Diiriye.

Wasiirku waxa uu sheegay in dadka ciidamadii halkaasi tegay soo dhaweyn ballaadhan halkaas kala kulmeen, isla-markaana dadkoodii Reer Somaliland iyo dhulkoodii tageen

“Dadka halkaasi kuwa ugu jecel inuu ciidanku soo gaadho ayey ahaayeen, ciidankana sidii laascaanood iyo gambadhaba loogu soo dhaweeyey  ayuun baa ciidanka halkaas loogu soo dhaweeyey, maamulka fidintiisiina waa wadnaa.” Ayuu yidhi Wasiirku.

Xukuumadda Somaliland ayaa magaalada Xuddun iyo hareereheeda ka bilowday sahamin shidaal baadhist,iyadoo dhawaan maamulka Puntland Somaliland ku eedeeyay inay deegaankaasi ku soo xad gudbeen isagoo Wasiirka macdanta Somaliland sheegay in goobta gala sahaminayo shidaalka iyo macdantu tahay dhulk Somaliland isla markaana dad reer Somaliland ku nool yihiin.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories