HomeXukuumadda oo ka hadashay Dilal ka dhacay Gobolka Buuhoodle

Xukuumadda oo ka hadashay Dilal ka dhacay Gobolka Buuhoodle

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guriyaynta ee Somaliland, Md Cabdirashiid Xaaji Ducaale Qambi, ayaa ka hadlay dil ka dhacay deegaanka Balli-Dandan oo 20 km dhinaca Bari kaga beegan Degmada Buuhoodle.

Waxa uu Wasiirku bulshada deegaanka ugu baaqay in fidnada halkaasi lagu qabto, oo aan dilkaasi dil ka danbeeya dhicin lagana wada shaqeeyo nabadgelyada iyo soo qabashada gacan ku dhiiglihii dilka geystay.

blankWaxa kale oo uu wasiirku tacsi u diray ehelkii iyo Qaraabadii marxuumka la dilay ka geeriyooday, waxaanu marxuumka ALLE uga baryay in uu naxariistii jano ka waraabiyo.

“Waxaan halkan Tacsi uga diraya bulshaweynta magaalada Buuhoodle, dadweynaha magaalada Qurilugud, waxaan tacsi u dirayaa, beesha, jifada, ehelada, qoyska iyo qaraabada uu marxumku ka dhintay. Dilkaasi wuxuu ka dhacay meel 20 km u jirta magaalada Buuhoodle oo Dandan la yidhaahdo. Ninka halkaasi dilka loogu geystay xoolihiisiina waala dhacay, gacan ka horreysay oo nin lagu dhaawacay ninkalena lagu dilay waa ay jirtay, ninkalena waa uu ka horreeyay, fidnadiina hadda way ballaadhatay oo way korodhay bulshaduna meel ay joogtaba way ka hadashay, ninkaasi waa laga gardarnaa,” sidaas ayuu yidhi Wasiir Qambi.

Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray oo yidhi, “ILLAAHEY waxaan ka baryayaa fidnada halkaasi ka socota in uu joojiyo, fidnadu hadda way sii ballaadhatay oo waxa ay yeelatay dhibaato aad iyo aad u badan”.

Wasiir Qambi waxa uu baaq u diray bulshada reer Buuhoodle, waxaanu yidhi, “Bulshada reer Buuhoodle waxaan leeyahay waar fidno aan qof ku ekaanayn qofkii gaystay, kicintuna waa dhibaato adduun, kuwa ka shaqeeya, kuwa abaabula, kuwa raallida ka ah, in aan ixsaan iyo wanaag midna laga helayn waa la og yahay”.

“Dadka degaanka Buuhoodle ayuunba arrinka soo qabashada ninkaasi u yaalla odayada, duqayda, waxgaradka, culimada, inta wanaaga jecel, hawshaasina xalinteeda iyo wax ka qabashadeeda waxaa ku hawlan odayaasha, waxgaradka iyo culima aw diinka Buuhoodle,” sidaas ayuu yidhi Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guriyeynta ee Somaliland.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories