HomeXukuumadda oo ka deyrisay tirada dhalinyarada dalka ka tahriibaysa

Xukuumadda oo ka deyrisay tirada dhalinyarada dalka ka tahriibaysa

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland, ayaa markii ugu horreysay walaac weyn ka muujisay Dhalinyarada u tahriibaya Qaaradda Yurub, iyaga oo sii marayaa dalka  Libya, waxaanay sheegay in khatarta ka dhalan karta dalka Libya oo immika qalaalaase siyaasadeed ka socdaan mudooyinkii u dambeeyey ay dhibaato ku keeni karto dhalinyaradda.

Tan iyo intii ay bilaabmeen qalaalasaha siyaasadeed iyo dagaal ee dalka Libiya oo ka mid ahaa dalalka Qaaradda Afrika ee sida weyn loogu tahriibi jiray oo weliba Immika sii xoogaystay, ayaa magaalada Hargeysa waxa toddobaadadii u dambeeyey ka sii qulqulaya dhalinyaro fara-badan oo u sii jeeda dalka Libiya iyaga oo doonayaa inay u sii dhaafan dalalka Yurub iyo meelo kale.

Haddaba, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Cabdillaahi Xuseen Cigge (Cabdillaahi-Balaaki) oo xalay u warramay Telefishinka HCTV ayaa sheegay in Dhalinyarada Tahriibaysaa ay u badan yihiin Xaafadaha Idaacadda, Xero-awr iyo Stadium-ka Hargeysa iyo meelo badan oo kale oo dalka iyo Caasimaddaba ka mid ah. “Runtii waa arrin muddooyinkii u dambeeyey ama bilahan u dambeeyey ee ay dhibaatooyinku ka jireen Libiya waa arrin soo cusboonaatay oo beryihii dambe aad u soo xoogaysanaysa, waana arrin ay dawladdu ka warhayso una badan dadka baxayaa dhalinyaro been loo sheegayo oo u socda inay ka tahriibaan Libiya. Kuwo badan oo baxayna dhexda ayaa laga soo celiyay.” Sidaa ayuu yidhi Agaasimaha guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Cabdillaahi Xuseen Cigge (Cabdillaahi-Balaaki).

Agaasimaha oo hadalkiisa sii wataa waxa uu intaa ku daray oo uu yidhi; “Waxaannu filaynaa oo aanu ummadda ugu baaqaynaa ama dadweynaha siiba Waalidiinta inay arrinkaa ubadkooda ama dhalinyaradooda ka wacyi-geliyaan ama kala hadlaan iyaga oo dhibaato badani uga iman doonto halka ay u socdaan iyo sida ay u gaadhi lahaayeen. Kuwo badan waannu soo qabanay oo dhexda ayaa laga soo qabtay, haddana waa u diyaar kantaroollada iyo goobaha laga tallaabayo ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland. Cidkasta oo lagu tuhmo inay arrinkaa u socoto waa la soo qabanayaa waana laga hawlgelayaa.” “Beryihii hore ee gobollada laga bixi jiray waxa u badnaa Togdheer iyo Awdal. Laakiin, muddadan u dambeeysay halka ugu badan ee laga tahriibaa waa Hargeysa oo dadka ka baxayna waxay u badan yihiin Hargeysa, kuwo badan oo la soo celiyayna way jiraan. Dad badan oo dhalinyaro ah oo waliba u badan Xaafadaha eeriyada Idaacadda, Xero-awr iyo Xaafadaha  Stadium-ka ayaa ugu badan dadka baxaya.” ayuu yidhi Agaasime Cabdillaahi-Balaaki.

Agaasimaha Arrimaha guduhu, waxa uu sidoo kale oo uu sheegay in xuduudda Somaliland, siiba dhinaca Wajaale ay Ciidanka Somaliland aad u adkeeyeen oo ay sugayaan dhaqdhaqaaqa dhalinyarada Tahriibaysa oo ay dibna u soo celin doonaan cidda ay qabtaan. Waxaanu tilmaamay khatarta ay tahriibtu leedahay oo uu xusay in loo baahanyahay inay Waalidiintu ubadkooda la socdaan dhinaca ay u dhaqaaqayaan.

Somalilandpost.net

somalilandpost08@gmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories