HomeXukuumadda oo Hadhimo-sharafeed ku maamuustay Safiirka Cusub ee Djibouti u soo wakiilatay...

Xukuumadda oo Hadhimo-sharafeed ku maamuustay Safiirka Cusub ee Djibouti u soo wakiilatay Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo ay weheliyaan Masuuliyiinta masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda iyo Xisbiga Kulmiye, ayaa maanta hadhimo Sharfeed u sameeyey Safiirka madaxweynaha Jabuuti u soo magacawday inuu fadhiyo Jamhuuriyadda Somaliland Danjire Cumar Xuseen oo todobaadkii hore soo gaadhay dalka

Hadhimo sharafeedkan oo ka qabsoomay Huteelka Hana ee magaalada Hargeysa, waxa ka soo qayb galay Masuuliyiin ay kamid ahayeen, Wasiirka Warfaafinta, Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta, Agaasimaha Guud ee Wasaaradaas, iyo Madax kale oo ay kamid ahayeen, Wasiirka xidhiidhka Golayaasha Somaliland, Xoghayaha Guud ee Xisbiga KULMIYE, Guddoomiyaha Aqlabiyada Golaha Wakiilada, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda arrimaha debadda, Safiirka Somaliland u fadhiya Jabuuti, Fanaaniin iyo marti sharaf kale.

cukusee (2)Wasiirka Warfaafinta Somaliland, oo ka hadlay martiqaadkaas wuxuu sheegay inay dalka Somaliland shacab iyo madaxdiisaba ay sharaf u tahay inay soo dhaweeyaan Safiirka dalka Jabuuti u fadhiyi doona Somaliland, sidoo kale Wuxuu Wasiir Cukuse tilmaamay inay farxad u tahay Wasaaradda Warfaafinta iyo guud ahaan bahda Saxaafadda inay iyagu yeeshaan casuumadi lagu soo khatimay martiqaadyadi lagu soo dhaweynaayay Safiirka, Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlaaya xidhiidhka labada wadan waxa hadaladiisi kamid aha.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mud. Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) markii xilka uu la wareegay 2010, booqashadisi ugu horeysay wuxuu ku tagay dalka Jabuuti oo la ogaa siduu Madaxweyne Ismaciil Cumar Geele iyo dawladiisu ay iyana u soo dhaweeyeen, dalkii labaadna wuxuu aha Itoobiya marka waa illahay mahadii in maanta ay labada dalba Wakiilo iyo Safiiro ku leeyihiin Somaliland, waana talaabo guul u ah labada Madaxweyne iyo labada shacaba

Geesta kale wuxuu Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) is dul taagay ahmiyada koobaad ee dalka Somaliland inay tahay aqoonsiga ay beesha caalamka iyo wadamada jaarka uga baahanyihiin, isagoo shaaciyey in dalka ugu jeclayeen inay Safiiro is dhaafsadaan uu yahay dalka Jabuuti, isagoo mahad ballaadhan u jeediyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaciil Cumar Geele, dhinaca kalena wuxu bogaadiyay waddanka Itoobiya oo isagu aha dalkii ugu horeeyay ee Wakiil u soo magacawda Somaliland.

cukusee (1)Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha Cali Xaamud Jibriil, oo isna ka hadlay munaasibadii Casuumadda, ayaa u sheegay Safiirka Jabuuti in dalka Somaliland uu yahay dalkiisi oo lamid ah Jabuuti. Wasiir ku-xigeenka Ganacsiga iyo Maalgashiga Bashiir Cabdi Xariir oo kamid aha madaxdii hadalka ka jeediyay goobta, ayaa faah faahin ka bixiyay ahmiyada weyn ee uu soo kordhin doono Xafiiska uu Safiirka Jabuuti ka hawl galidoono ee Somaliland, isagoo tilmaamay inuu arrimo badan oo labada dal muhiimad u leh uu filin doono, kuwaas oo ay kamid yihiin is dhaafsiga ganacsiga, Fiisayaasha dal ku galka iyo xidhiidhka joogtada ah ee Siyaasadda.

Safiirka Somaliland u fadhiya Jabuuti Maxamed Warsame ayaa isna sheegay in muraayada waddanka laga dheehdo ay tahay bahda Warfaafinta, sidaa daradeed uu safiirku u xushay inay iyagu soo khatimaan soo dhaweynihii loo samaynaayay.

Safiirka Jamhuuriyadda Jabuuti u fadhiyidoona dalka Somaliland Cumar Xuseen ayaa isna si weyn uga mahad celiyay sida xamaasada leh ee dalka loogu soo dhaweeyay, wuxuu siweyn isu dultaagay walaltinimada labada shacab iyo labada dal ka dhaxaysa, geesta kale wuxuu ka dhawaajiyay in Xafiiskiisu soo kordhin doono qodobo wax tar mugweyn u leh labada waddan.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories