HomeXukuumadda oo go’aan cusub ka soo saartay qodista Ceelasha Biyaha, una Digtay...

Xukuumadda oo go’aan cusub ka soo saartay qodista Ceelasha Biyaha, una Digtay Shirkadaha

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa, 28 February, 2012 (SLpost)- Xukuumadda Somaliland, ayaa go’aan ka soo saartay qodista Ceelasha iyo qodista Riigagga biyo-soo-saar, isla markaana waxay Shirkadaha ganacsiga ee qodista Ceelasha ka shaqaysta inaanay wax ay qodi karaan jirin illaa ay Wasaaradda Macadanta, Tamarta iyo Biyaha Iska diiwaangeliyaan, isla markaana loo istaago goobta ay qodayaan.

Sidaa waxa lagu sheegay Wareegto uu ku saxeexan yahay Wasiirka Wasaaradda Macdanta, Tamarta iyo Biyaha Somaliland Eng. Xuseen Cabdi Ducaale, taasoo ku taariikhaysnayd 26-kii bishay, balse Caawa Wasiirku soo saaray, ayaa lagu socodsiiyey Madaxweynaha, ku-xigeenkiisa, Wasiirrada Madaxtooya, arrimaha gudaha, hay’ado kale iyo shirkadaha ka shaqaysta qodista ceelasha biyaha ee Riiggagga kireeya.

Wareegtadaasina waxay u qornayd sidan:- “Ujeedo: Qodista Ceelasha biyaha: Aniga oo tixgelinaya in ay biyuhu nolasha oo dhan u yihiin udub dhexaad, sidoo kalena texgalinaya inay waajib dawli ah tahay in qof kasta oo degan dhulweynaha Jamhuuriyada Somalilnd uu xaq u leeyaha inuu helo biyo nadiif ah oo dabooli kara baahidiisa daruuriga ah. Isla markaana ka hortagaya wasakheynta biyaha dhulka hoostiisa ku jira ( taas oo aan sin aba suurta gal u ahayn in dib loo nadiifiyo), waxaa kale oo ay wareegtadni meesha ka saareysaa khilaafka ka dhex qarxa shirkadaha ceelasha biyaha qoda oo badiba ku hungooba inay waxa natiijo ah ka gaadhaan shaqadooda iyo dadka rayidka ah oo aan marnaba ku qancin jawaabaha aan cilmieysnayn ee ay bixiyaan masuuliyiinta shirkadahaasi

Sidaa awgeed waxaan soo saaray wareegtadan qeexaysa qodobada hoos ku qoron. Dhamaanba shirkadaha qoda biyaha dhulka hoostiisa ku jira waa inay ogolaansho (drilling permit) ka haystaan Wadaaradda macdanta, tamarta iyo khayraadka Biyaha.

Shirkaduhu waxay qodista ceel bilaabi karaan ka dib markay ogolaansho buuxa ka hesho xafiiska agaasinka biyaha ee Wasaaradda macadanta, tamarta iyo biyaha, iyadoo injineerada waaxda biyuhu ay ku khasab yihiin inay riiga ku dul qotomiyaan meel ay macluumaad buuxa ka hayaan. Tani waxay muhiim u tahay in hantida shacabka loo adeegsado sida ugu haboon. Dhamaan shaqaalaha ka shaqeeya riigagga qoda ceekasha biyaha waa in ay ka diwaan gashanaadaan xafiiska agaasinka biyaha ee Wasaaradda.

Waxaa lagu wargalinayaa cid kasta oo ka hor timaada qodobadan kor ku xusan inay la kulmi doonaan ciqaab waafaqsan sharciga Somaliland. Waxaa lagu war galinayaa dhamaan hayadaha ka shaqeeya hawlaha biyaha in ay iska diwaangeliyaan waaxda biyaha ee Wasaaradda macdanta, tamarta iyo Biyaha.

Haddaba waxaan ka codsanayaa dhamaan masuuliyiinta ay wareegtadani ugu socoto iyo masuuliyiinta ogaysiinta ku lehba inay sidaa ula socdaan isla markaana waxaan farayaa agaasinka waaxda biyaha in uu si dhaqso ah u diyaariyo dhamaan dhukumentiyada iyo ruqsadaha looga baahan yahay wareegtadan. Sidoo kale waxa Agaasimaha guud ee Wasaaradda macdanta iyo biyaha la farayaa in uu hirgaliyo fulinta wareegtadan.”

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories