HomeXukuumadda oo Digniin u jeediyey Urur Mashruuc Weji-ku-macaash ah ka dhex-bilaabay Masuuliyiinta...

Xukuumadda oo Digniin u jeediyey Urur Mashruuc Weji-ku-macaash ah ka dhex-bilaabay Masuuliyiinta Dowladda iyo Ujeeddada ka dambaysa

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland ayaa digniin u jeedisay urur aanay jiritaankiisa aqoonsanayn oo barnaamij qiimeyn ah oo bulshada dhexdeeda lagu soo bandhigay ku kala saaray qiimeynta wax-qabad ee masuuliyiinta Xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Ururkan oo baraha bulshada ku soo bandhigay qiimeyn loo codeynayo wasiirrada ku jira xukuumadda, ayaan hore uga diiwaangashanayn hay’adaha dowladda, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda Warfaafinta, waxaana looga digay tallaabadan oo natiijadeedu muran iyo khilaaf ka dhex-dhalisay masuuliyiinta dowladda oo lagu kala xushay siday u kala mudan yihiin xagga wax-qabadka. Masuuliyiinta xukuumadda ee safka hore ka galay qiimeyntan waxa ugu horreeya Wasiirrada Wasaaradaha Maaliyadda, Beeraha, Horumarinta Biyaha iyo qaar kale oo badan.

Radio HargeysaHaddaba, War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta JSL, ayaa loogu baaqay inuu faraha kala baxaan shaqada dawladdda, dad sheegtay inay qiimayn ku samaynayaan xubnaha golaha wasiirrada, maadaama oo aan loo aqoonsanayn Akaadamiyad cilmi, siday werisay wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA .

Waxa kaloo xukuumaddu ay qiimaynta shakhsiyaadku wadaan ku sifeysay mid aan cilmi ku dhisnayn, waxaanu war-saxaafadeedkaasi u dhignaa sidan:-

“Toddobaadyadii la soo dhaafay waxa warbaahinta ay ku faafiyeen dad isku sheegay inay yihiin urur qiimayn ku samaynaya xubnaha Golaha Wasiirrada, waxayna taasi fajac iyo amakaag ku ridday dadweynaha iyo xukuumaddaba, maadaama ururkani aanu ahayn mid sharciyan loo aqoonsan yahay inuu fuliyo hawsha miisaankaas leh, isla markaana aanay dawladdu waxba kala socodsiin.

Qiimaynta noocan oo kale ah waxa dunida ka fuliya Akaadamiyad aqooneed oo leh khibrad cilmi baadhiseed oo xambaarsan takhasusaad , khibrad iyo aqoon, waxaana mar kasta oo ay baadhitaano la xidhiidha qiimayn abaalmarineed samaynayaan waajib iyo lagama maarmaan u ah inay xidhiidh toos ah la sameeyaan hay’adda ama cidda kale ee la qiimaynayo, iyadoo ra’yi ururintana loo fuliyo habab u gaar ah oo kala duwan.

Sidaas darteed, ururkaas sheegtay inuu wado qiimayn uu ku sameynayo xubnaha Golaha Wasiirrada, ma jiro wax xidhiidh ah ama xog-ururin ah oo uu la sameeyey wasaaradaha, sidaas awgeed, waxaa muuqata in la doonayo in la soo saaro qiimayn aan cilmi ku fadhiyin, iyadoo la tuhunsan yahay inay arrintan lacag ku bixiyeen isla markana dabada ka riixayaan siyaasiyiin iyo dad kale oo dano gaar ah ka leh, si sumcada iyo karaamada looga dilo xukuumadda Somaliland, isla markaana la doonayo in la soo saaro qiimayn kala qoqobaysa bulshada dhexdeeda, laguna xajiimaynayo geeddi-socodka toosan ee nidaamka maamul ee dawladda.

Xukuumadda JSL waxay uga digaysaa ururkan gacanta kula jira arrintan, inay si degdeg ah faraha ugala baxaan maamulka xukuumadda, maadaama aanay qiimayntu ahayn mid ka soo baxaysa Akaadamiyad sharci oo loo aqoonsan yahay hirgelinta qiimaynta abaalmarinada heer qaran, annagoo farayna inay faragelinta ka daayaan shaqooyinka maamulka xukuumadda, xogo shakhsiyaad tilmaaman laga soo ururiyeyna bulshada looguma sawiro karo inay tahay xaqiiqo dhab ah oo cilmiyeysan.”

Si kastaba ha ahaatee, mashruucan oo loo soo bandhigay hab casri ah oo la jaan-qaadaya farsamaada tiknoolajiyada casriga ah, ayaan ahayn markii u horeysay ee lagu kala xusho masuuliyiinta Dowladda iyo shakhsiyaadka magaca ku leh bulshada dhexdeeda. In kasta oo barnaamijkani ku koobnaa wasiirrada xukuumadda, haddana waxa markii u horeysay la arkay xilligii xukuumaddii madaxweyne Siilaanyo oo shakhsi gaar ah oo taageero ka helayey qaar ka tirsan xukuumaddii xilligaasi ay sameeyeen barnaamij loogu magac-daray QIIMEE QOFKAAGA, ayaa saamayn togan iyo mid taban ba ku yeeshay bulshada dhexdeeda, iyadoo loo arkayey inuu ahaa barnaamij ay dano gaar ah ka lahaayeen shaqsiyaadka fuliyey oo taageero ka helayey masuuliyiin ka tirsanaa xukuumaddii xilligaas.

Barnaamijka uu ururkani fuliyey oo loo fuliyey qaab ka duwan nidaamkaas hore, isla markaana loo sameeyey mareeg ama website u gaar ah, ayaa lagu baahiyey baraha bulshada, iyadoo dadka laga codsaday inay qaab electronic ah ugu codeeyaan masuuliyiinta dowladda oo ku kala calaf-qaaday natiijada codeyntaas.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories