HomeXukuumadda oo Difaacday Tallaabadii Ciidanka Boolisku ugu yeedhay Guddoomiyaha Waddani

Xukuumadda oo Difaacday Tallaabadii Ciidanka Boolisku ugu yeedhay Guddoomiyaha Waddani

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda ee Somaliland Dr. Cabdiwali Sh. Cabdillaahi Suufi, ayaa tallaabo sharci ah ku tilmaamay in Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ee WADDANI looga yeedho xarunta Ciidanka Dembi-baadhista Booliska Arbacadii shalay.

Wasiir Cabdiweli Suufi waxa uu sheegay in ciidammada boolisku nidaamka sharciga ah ee la banneeyey u mareen u-yeedhista Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan.

blank
Wasiirka Isgaadhsiinta, Tiknoolajiyadda iyo Boosaha ee Jamhuuriyadda Somaliland Dr Cabdiweli Sh. Cabdilaahi Suufi

“Guddoomiye xisbi ayey u yeedheen ciidanka boolisku, warqad ayaa loo keenay, si sharaf leh ayaa loogu yeedhay, si sharaf leh ayuu u tagay, si nabad ah ayuuna ku soo noqday, intaasina waa inta uu sharcigu oggolyahay,” ayuu yidhi Wasiir Cabdiweli oo qaar ka mid ah warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa maanta.

Wasiir Suufi waxa uu sheegay in aanay isqabanayn in madaxda xisbiga WADDANI ay dambi baadhista horteeda ku aflagaaddeeyaan madaxweynaha, waxaanu yidhi, “Madaxda xisbigu waxay baahin toos ah ka soo galeen CID-da horteeda iyagoo leh waddanka digtaytar ayaa qabsaday, haddana cid ka daba tagtay iyo cid wax tidhi midna ma jirin, markaa waxay noqonaysaa su’aashu tolow qofkani waxan uu leeyahay iyo waxan uu samaynayo maanu iska warqabin?”

“Guddoomiyuhu waa muwaaddin, hay’adaha amniguna way u yeedhi karayaan, isaguna wuu isdifaaci karayaa. Wax dhib ah oo halkaas ka jiraa ma jiro,” ayuu yidhi Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda Somaliland.

Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan warbaahinta kula hadlay barxadda hore ee xarunta CID-da shalay, ayaa sheegay in ciidammada su’aalo ka weydiiyeen khudbad uu toddobaadkii hore eedo ugu jeediyey madaxweynaha iyo Xukuumaddiisa.

Labada Xisbi mucaarad ee Waddani iyo UCID, ayaa ka soo horjeeda in la furo ururrada Siyaasadda maadaama oo ay bisha Lixaad ee sannadkan ku egtahay muddada 10-ka sanno ee sharciga dalku oggol yahay inay jiraan Xisbiga Qaranka.

Xisbiga Mucaaradka ayaa ku doodaya in Doorashada madaxtooyada oo ku beegan bisha November ee sannadkan ay ka soo horeyso furista ururrada Siyaasadda isla markaana qof madaxweynaha loo doortaa uu furi doono ururrada siyaasadda.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories