HomeXukuumadda Oo Dejisay Qorshe Lagu Xoojinayo Sidii Shaqooyinka Ajaanibku Hayo Ay U...

Xukuumadda Oo Dejisay Qorshe Lagu Xoojinayo Sidii Shaqooyinka Ajaanibku Hayo Ay U Qaban Lahaayeen Muwaadiniintu

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa, (SLpost)-  Wasaarada shaqadaha iyo arrimaha bulshada Somaliland, ayaa soo bandhigtay nidaam  lagu xoojinayo in shaqooyinka dadka ajaanibka ahi dalka ka qabtaan ay qaban karaan muwaadiniinta u dhashay Somaliland, islamarkaana loo yaran lahaa shaqo la’aanta.

Shir maanta ka qabsoomay xarunta Wasaarada shaqada iyo arrimaha bulshada oo ay ka soo qaybgaleen Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Dr. Cabdi Aw Daahir Cali, masuuliyiinta shirkadaha iyo xubno ka socday hay’addaha dalka ka hawlgala.

Wasiirka Wasaarada shaqada iyo arrimaha bulshada Dr. Cabdi Aw  Daahir ayaa faahfaahin ka bixiyay ujeedada kulankan waxaanu “Waxaynu isugu nimid in aynu ka wada-tashano danta shaqada iyo shaqaalaha, shaqada iyo shaqaaluhu waxa weeyaan saldhiga dhaqaalaha, horumarka, bulshada, Ummadda  iyo shacabka adduunku, gaar ahaan inaga si gaar ah bay inoo saamaysaa Somaliland ahaan, oo haddaynu shaqo abuurka iyo shaqada aynu hagaajino waxa hagaagaya dalka dhaqaalihiisa, aqoonsiga iyo horumakiisu  intuba taasay ku dhisan yihiin.”

Dr. Cabdi Aw Daahir waxa kale oo uu mahad naq ballaadhan u jeediyay hay’addo uu sheegay in ay shaqo abuur u sameeyeen dhalinyaro badan, waxaanu yidhi “waxaan aad ugu mahadcelinayaa hay’addaha dhalinyaradeena shaqo u abuuray oo xoogoodu halkan ila fadhiyaan qaarna ay u suurtogelin inay yimaadaan. Waxaanu ka wadatashanaynay in aanu is weydiino sidee loo kobcin lahaa shaqada, sidee xuquuqda shaqada iyo loo shaqeeyaha loo xaqiijin lahaa, waxa kale oo halkan kaga wada hadalnay qodob ah in aanu ogaano shaqaalaha ajnabiga ah ee u shaqeeya shirkadaha waaweyn iyo ururada ama si gaar ah dalka uga shaqaysta si aanu  u ogaano oo xog uga helno tiradooda, waxtarkooda, waxqabadkooda iyo dhibkooda.”

Wasiirku waxa uu sheegay in Wasaarad ahaan ay ku dedeelayaan in shaqooyinka dadka ajaanibka ahi hayaan ay qaban karaan muwaadiniinta Somaliland, waxaanu yidhi “Ninka shaqaalaha ah ama Inanta shaqaalaha ee ajnabiga ah haddii uu jiro muwaadin shaqaale ah oo Somalilandder ah uu buuxin kara jagadiisa oo shaqadiisa qabto aanu dhiirigelino ayaanu doonaynaa oo ujeedada ugu weyni tahay. Markaanu ogaano warbixin iyo xog badan oo ah yaa inoo shaqeeya, maxaa inoo shaqayn kara, halkeebuu wax inooga qaban karaa.”

Sidoo kale Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada, waxa uu intaas ku daray “Waxa jira dad badan oo ajaanib ah oo aynu u baahan nahay oo waxyaabaha aynaan khibrad u lahayn inaga caawiya oo aynu ka baranaa, mustaqbalka  soo socdaana waxaanu higsanaynaa waxa weeyaan in aynu shaqadaa inagu aynu bedeli karno. Waxa kale oo aan idinkula dardaarmayaa intii kale ee aan ka soo qaybgelin shirka dambe oo INSHA ALLAH sidan aan rajaynayo sidaynu ku go’aansanay bisha todobaad aan rajaynayo in aynu halkan iskugu nimaadno oo wixii warbixin ah ee aynu kala qaadanay  halkan iskugu nimaadno, mar labaadna aad baad u mahadsan tihiin.”

 

 

 

 

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories