HomeXukuumadda Oo Dariiq Diblamaasiyadeed Oo Ka Duwan Somaliya U Martay Danaheeda Maraykanka

Xukuumadda Oo Dariiq Diblamaasiyadeed Oo Ka Duwan Somaliya U Martay Danaheeda Maraykanka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SL.Post) Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland D.r Sacad Cali  Shire,  ayaa sheegay inay si dhow indhaha ugu hayaan amarkii xukuumadda Maraykanku ugu xanibtay u socdaalida dalkeeda, isla markaana u ololaynayso sidii muwaadiniinteeda hawlaha shaqo, waxbarasho, dalxiis ugu socda u heli lahaayeen soo dhoweyn.

Qoraal Wasiir Dr. Sacad u diray Xukuumadda Maraykanka, isla markaana lagaga hadlayey sida Somaliland u aragto amarka xanibaadaha socdaalka Maraykanka ee dib u eegista lagu sameeyey ayaa lagu sheegay inay soo dhoweynayso amarka labaad ee loogu ogolaaday muwaadiniinta reer Somaliland ee hore u haystay deganaanshaha rasmiga ee Maraykanka, waxaana lagu bilaabay:

“Jamhuuriyadda Somaliland waxay si dhow indhaha ugu hayaan amarkii xukuumada Maraykanku ugu xanibtay u socdaalida dalkeeda, isla markaana, u ololaynaysa sidii muwaadiniinteeda hawlaha shaqo, waxbarasho, dalxiis ugu socda u heli lahaayeen soo-dhoweyn, maadama dalkayagu madaxbanaanidiisi dib ugala soo noqday Soomaaliya sannadkii 1991-kii.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Dr. Sacad ayaa qoraalkan ku sheegay in  kastoo  xukuumada Somaliland hore dareenkeeda amarka xayiraadaha socdaalka ugu gudbisay bishii January 21-keedii, ay soo dhoweynaynaa dib u eegista lagu sameeyey amarka, ee loogu ogolaaday muwaadiniinta reer Somaliland ee hore u haystay deganaanshaha rasmiga ee Maraykanka, ama hore ugu socdaalay inay tegi karaan.

“Si kasta, maadama, Somaliland & Maraykanka ay horumariyaan dannaha ay wadaagaan ee amaanka iyo kuwa dhaqaale, siyaasadaha socdaal ee la xidhiidha Soomaaliya, waa inaan lagu dabakhin muwaadiniinta u dhashay Somaliland.

“Muddada sagaashanka maalmood ee dib u eegista lagu samayn doono amarka xayiraadaha, waxay xukuumada Somaliland u caddaynaysaa Maraykanka saamaynta ay muwaadiniinteeda ku keentay, kuna dedaalaynaa in la helo talaabooyin ay kaga badbaadaan muwaadiniinteenu amarada dambe mustaqbalka.”

Ugu dambayn qoraalka Wasiirka Arrimaha Dibedda Dr. Sacad Cali Shire ayaa lagu sheegay in xukuumadiisu diyaar u tahay balaadhinta iskaashiga ay wadaagaan Maraykanka, waxaanu yidhi,

“Somaliland waxay caddaynaysaa doonisteeda in la balaadhiyo iskaashiga aan wadaagno, isla markaana dalbanaynaysaa aqoonsi rasmi ah oo Maraykanku siiyo Somaliland.

Qoraalkan xukuumada Somaliland la wadaagtay dalka Maraykanka, ee la xidhiidha saamaynta amarada xayiraadahu ku yeelan karaan muwaadiniinteeda, ayaa noqonaya mid loo raacay nidaamka dublamaasiyadeed ee  wadammadu u wada xidhiidhaan, isla markaana si weyn uga duwan qoraal Madaxweynaha Soomaaliya kaga jawaabay amarka Maraykanka.

 

Somalilandpost.net

 

 

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories