HomeXukuumadda oo bilowday qabqabashada Markhaa-tiyaashii dacwaddii Axmed-Xamarje iyo Axmed Dirir

Xukuumadda oo bilowday qabqabashada Markhaa-tiyaashii dacwaddii Axmed-Xamarje iyo Axmed Dirir

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Waxa magaalada Hargeysa lagu xidhay qar kalena la baadi goobayaa si aaney uga markhaati furin dhegeysiga maxkamada racfaanka ee dhegeysigeeda loo balan san yahay dhawaan, markhaatiyaal wax ka ogaa dacwadda natiijadeedu ku biyo-shubatay xukunka lagu riday Guddoomiyihii hore ee gobolka Maroodijeex Axmed Cumar X. Cabdillaahi (Xamarje) iyo Agaasimihii hore ee wasaaradda Dib u dejinta Axmed Cilmi Dirir.

blankFaysal Aadan oo ahaa derewelkii hore ee taliye ku-xigenka Booliska Somaliland oo markii hore lagu waday in uu ka markhaati furo dacwadii lagu soo oogay masuuliyiinta, ayaa muddo laba cisho ah laga la’aa magaalada Hargeysa.

Warkani waxa uu intaas ku darary in la xaqiijiyay in Xalay loo dhaadhiciyay Xabsiga dhexe ee magaalada Hargeysa, lamana shaacin sababta dhabta ah ee loo qabtay Faysal Aadan xilli ay soo dhawdahay dhegeysiga maxkamada racfaanka oo qareennada Xubnaha Xidhan u doodayaa dalbadeen in Maxkamaddaasi dib u dhegaysato dacwaddoosa.

Xukuumada ayaa tiroba dhawr jeer baajisay dhegeysiga maxkamada racfaanka ee masuuliyiinta u xidhan musuqa raashin mucaawino ahaa.

Dadka u kuur gala dacwadaha noocan ah iyo taageereyaasha masuuliyiinta xidhan, ayaa shaki weyn ka muujiyay eedda iyo xukunka ku dhacay masuuliyiintan.

Qareenka masuuliyiintan hore xukuumadda uga tirsanaa oo lagu magacaabo Maxamuud Cabdiraxmaan, ayaa war Wargeyska Ogaal baahiyey todobaadkan gudihiisa, waxa uu ku sheegay in Maxkamadda Rafcaanka gobolka Hargeysa ka aqbashay waraaq ay kaga codsadeen in dib loo dhegaysto dacwaddooda, isla markaana fadhiga dhegaysiga ee Maxkamadda loo ballansan yahay maalinta Khamiista ee 27-ka bishan.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories