HomeXukuumadda oo Bilowday Dayac-tir Dib Loogu Dhisayo Jidka Laamiga ah ee u...

Xukuumadda oo Bilowday Dayac-tir Dib Loogu Dhisayo Jidka Laamiga ah ee u Dhexeeya Degaannada Adhi-caddeeye iyo Tuulo Samo-kaab

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland oo kaashanaysa Shirkadda Axmed Suudi Construction Company, ayaa bilawday dayac-tirka jidka u dhexeeya degaannada Adhi-caddeeye iyo Tuulo Samo-kaab oo ka tirsan Gobolka Sool, taasoo ay waxyeelo u gaysteen roobabkii ka da’ay degaanka.

 

Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland Md. Sahal Maxamed Jaamac oo halkaas ka hadlay, ayaa ballanqaaday inay Xukuumadda ka go’an tahay sidii dayac-tir iyo horumarin loogu samayn lahaa dhammaanba jidadka iyo waddooyinka dalka Somaliland, isagoo xusay in dayac-tirka jidka u dhexeeya degaannada Samo-kaab iyo Adhi-caddeeye ay ka mid tahay qorshayaasha lagu horumarinayo waddooyinka.

blank

“Waxa aannu leenahay Shirkadda Suudi Construction Company, maanta waannu kuu furmay hawsha dayac-tirka ah waddada oo waad bilaabaysaan dayac-tirka waddadan Adhi-caddeeye ilaa Tuulo Samo-kaab. Waxa aannu leenahay anaguna ka Xukuumad ahaan lacagtii lagu dayac-tirayay jidka waa tii ay Wasaaradda Maaliyaddu kuu saxeexday, markaa maadaama aad qalabkaagii keentay in aad hawshaas si fiican u dhammaystirto, waxaanan ka codsanaynaa Guddida Qandaraasyada Qaranka, Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka in aanay cid lagula tartansiiyo aanay jirin, maadaama oo aad adigu ku bilawday maalkaagii iyo qalabkaagiiba oo aad markii horeba si mutadawacnimo ah aad ku sii bilawday oo weliba aad nagala soo shaqaysay tii dhinaca bariga ka ahayd degaanka Maraaga oo aad cagafyadaadii noo keentay waad ku mahadsan tahay oo abaal-gud ayaannu kuu siinay in aad adigu hawshaas fuliso,” ayuu yidhi Wasiir-ku-xigeenku.

 

Masuuliyiin iyo saraakiil kale oo halkaas hadalo ka jeediyey, ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin dhismaha lagu dayac-tirayo jidka u dhexeeya degaannada Adhi-caddeeye iyo Tuulo Samo-kaab, iyagoo shirkadda gacanta ku haysa hawshaasna kula dardaarmay inay sida ugu dhakhsaha badan ee ugu tayada badan u dhammaystirto hawshaas muhiimka u ah qaranka Somaliland iyo isku-socodka bulshada.

 

blank

Waxa kaloo ay u mahadnaqeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi oo ay ku sifeeyeen inuu yahay Madaxweynaha horumarka, iyagoo xusay in muddada uu xilka hayey mashaariic kala duwan laga hirgeliyey degaannada Gobolka Sool ee bariga Somaliland, kuwaasoo ay ka mid yihiin waddooyin la dhisay, cusbitaalo, xarumaha hooyooyinka iyo dhallaanka ee MCH-yada iyo goobo waxbarasho.

 

Guddoomiyaha Shirkadda Axmed Suudi Company Mr. Axmed Suudi oo isna goobta ka hadlay, ayaa ka warbixiyey dhimsaha waddada iyo qaabka ay dayac-tirka ugu samaynayaan, waxaannu yidhi; “Waxa aannu nahay Shirkadda Axmed Suudi Company oo diyaar ah in aannu hadda bilawno dayac-tirka waddada Adhi-caddeeye ilaa Tuulo Samo-kaab, qalabkiina wuu yaalaa, markaa waxa aannu rajaynaa in aannu sida ugu dhakhsaha badan aannu ku dhammaystirno haddii Ilaahay yidhaahdo oo waddo wanaagsana aanu samayno, taasoo ah waddo qiimo leh oo tayo leh oo aan tii hore oo kale ahayn.”

 

Xubno isugu jira odayaal iyo madax-dhaqameed oo ka mid ah bulshada degaanka oo iyaguna hadallo jeediyey, ayaa sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin bilawga lagu dayac-tirayo dhismaha waddada isku xidhay degaannada Adhi-caddeeye iyo Tuulo Samo-kaab, taasoo uu burbur soo gaadhay, waxayna tilmaameen in jidku yahay waddadii uu Shiinuhu dhisay oo dhawr jeer dib-u-habayn lagu sameeyey, iyadoo markasta oo la gaadho xili roobaadka ay daadku khasaare u gaystaan jidkaas.

 

Waxa kaloo ay u mahadnaqeen Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland oo ay sheegeen inay dedaal ugu jirto sidii loo dhisi lahaa waddooyinka burbursan ee dalka, halka sidoo kale ay ka codsadeen shirkadda dhisaysa jidkaas inay muujiso dedaal iyo masuuliyad midho-dhalkoodu noqdo waddo tayo fiican oo bulshadu ka wada faa’iidaysato.

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories