HomeXukuumadda oo beenisay in madaxweynuhu magacaaabay Golaha Culimada dalka

Xukuumadda oo beenisay in madaxweynuhu magacaaabay Golaha Culimada dalka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Garyaqaanka Guud ee Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdisamad Cumar Maal, ayaa jawaab ka bixiyey hadal dhowaan ururka Qareennada Somaliland ku dedafeeyey magacaabista Golaha Culimada Somaliland oo madaxweyne Siilaanyo dhawaan abuuristooda ku dhawaaqay.

Magacaabista Golaha ayaa lagu faafiyey war-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada oo lagu faahfaahiyey kulan dhexmaray madaxweynaha iyo Xubno ka tirsan Culimada dalka, waxaanay Ururka Qareennadu waxa uu sheegay inaanu madaxweynuhu xaq u lahayn magacaabista Golaha Culimada isla markaana uu go’aankiisu ka hor-imanayo dastuurka dalka oo jidaynaya cidda magacaabi karta Goalhaas.

garyaqaankaHaddaba, Garayaqaanka Guud ee Xukuumadda oo Maanta warbaahinta la hadlay maanta, ayaa sheegay inaanay jirin Guddi Culimo oo madaxweynuhu magacaabay iyo faafin rasmi ah oo lagu shaaciyey magacaabistooda.

“Hadalkaygu wuxuu daaran yahay in aan ka jawaabo hadal uu warbaahinta ku qoray guddoomiyaha ururka qareenada oo uu kaga hadlayay guddida culimada oo uu sheegay in qaabka loo maamulay ay tahay qaab sharci daro ah oo aan dastuurka waafaqsanayn.

Marka ugu horaysa waxaanu halkan ka cadaynaynaa in aanay jirin haba yaraatee wax guddi ah oo uu madaxwaynuhu magacaabay, madaxwaynuhu waxa uu magacaabaa waxay ku soo baxaan faafin khaasa anaa ah gar-yaqaankii guud ee qaranka , anaa ka masuula faafinta rasmiga ah. Guddi madaxwaynuhu magacaabay haba yaraatee ma jiraan, guddi la magaacabay oo aanay saxaafaddu ogayna ma jirto  madaxwaynuhu waxa uu sameeyay guddi usoo xusha culimada una gudbisa golaha guurtida sida uu dhigaayo qodobka 119  ee dastuurku waxa uu odhanayaa guddida culimada waxa xulaya xubno ka kooban xukuumadda iyo golaha guurtida oo tiro isleeg ah.” Sidaas ayuu yidhi Garyaqaanka Guud.

Garyaqaanku waxa uu sheegay in Golaha Sharci-dejinta dalku iska leeyahay awoodda ansixinta Guddiga kaddib marka madaxweynuhu soo saaro magacaabista.  “Golaha guurtida ayaana iska leh ansixinta madaxwaynuhu waxa uu xulay xubno ka kooban laba wasiir iyo laba xildhibaan isagoo raacaya qodobka 119 ee dastuurka Jamhuuriyadda somaliland, madaxwaynuhu cida uu magacaabaa waa cid kusoo baxda saxaafada madaxtooyada wax qarsoona maaha,” Sidaas ayuu yidhi Garyaqaanka Guud.

HALKAN GUJI SI AAD U AKHRISATO WARKA KU SAABSAN GUDDIGA OO MADAXWEYNUHU MAGACAABAY

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories