HomeXukuumadda oo Albaabada u laabtay Xarunta Wargeyska Hubaal Xilli laga sugayey Natiijada...

Xukuumadda oo Albaabada u laabtay Xarunta Wargeyska Hubaal Xilli laga sugayey Natiijada Kiiska Fal-dambiyeedkii loogu Geystay Weerarkii Badheedhka ahaa

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hubaal-Logo (2)Hargeysa (SLpost)- Xarunta Wargeyska Madaxa-bannaan ee Hubaal, ayaa maanta albaabada loo laabay ka dib markii Maxkamadda Gobolka Maroodijeex soo saartay Waaran lagu xayiraad ah oo ka dhashay  Dacwad ay Xeer ilaalinta Guud ee Qaranku u gudbisay Maxkamadda gobolka Hargeysa.

Xayiraadda Wargeyska ee ka soo baxday Maxkamadda gobolka Maroodijeex oo lagu baahiyey Idaacadda Dawladda isla markaana aan lala socodsiin Masuuliyiinta Wargeyskaas oo aanay Maxkamaddu waxba ka weydiin dacwadda Xeer ilaalintu u gudbisay, ayaa digniin loogu jeediyey Madbacadaha Soo Saara Wargeyska Dalka oo lagu amray inaanay Daabaci karin Nuqullada Wargeyska Hubaal iyo in lagala noqday Ruqsadda Warbaahineed ee Wargeyskaas.

Waaranka Xayiraadda ee Maxkamadda gobolka ka soo baxay, ayaa lagu sheegay inuu xidhiidh la leeyahay War uu qoray Wargeyska Hubaal Caddadkiisii dorraad oo uu wargeysku ka qoray kulan dhexmaray Madaxweyne Siilaanyo iyo wefti ka socday dalka Yemen, kuwaas oo Wargeyska oo soo xiganaya dibloomaasiyiin Itoobiyaan ah ku sheegay Weftigaas Saraakiil ka tirsan Sirdoonka Dalka Masar oo madaxweynaha kala hadlay arrimo la xidhiidha Muranka Biyaha Webiga Niil-ka ee u dhexeeya dalalka Ethiopia iyo Masar.

Masuuliyiinta Wargeyska Hubaal oo ka hadlay dhacadadan, ayaa nasiib-darro ku tilmaamay Dacwadda Xeer ilaalinta ee Maxkamadda Gobolka Hargeysa aanay ka gar-soorin, dhinacii dacwaddu ka dhan ahaydna aan lala socodsiin Waaranka.

Maareeyaha Wargeyska Hubaal Maxamed Cabdi Jaamac (Caloolay) oo Wargeyska Ogaal weydiiyey wax ka ay ogaayeen amarka xayiraadda ee Maxkamadda, ayaa tallaabadaas ku tilmaamay inay ka tarjumayso ayaan-darro ku dhacdaday Waaxihii Dawladda ee iyagu is-qaban lahaa. “In xayiraad naloo keeno waa aayan-darro Somaliland ku dhacday saddexdii dhinac ee is-celin lahaa inay isku mid noqdeen, walaa sharci-dejintii, walaa fulintii, walaa garsoorkii.”

Marka laga yimaaddo Waaranka Maxkamadda gobolka Hargeysa ee Xeer ilaalinta Guud oo xukuumaddu dabada ka riixayso ay gudbisay, ma jiro war Rasmi ah oo ka soo baxay Masuuliyiinta xukuumadda iyo hay’adaha Garsoorka, haseyeeshee Taliyaha Guud ee Ciidamada Booliska Somaliland Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan, ayaa ku dooday in sifo sharci ah loo maray xayiraadka Wargeyska Hubaal. “Waaran- maxkamadeed oo sharci ah ayaa lagu xidhay,” ayuu yidhi Taliye Fadal oo la hadlay Hctv, waxaanu ka gaabsaday inuu tafaasiil ka bixiyo xayiraadda Wargeyska.

Tallaabada xukuumaddu ula badheedhay inay xayirto hay’addan warbaahineed ee madaxa-bannaan, ayaa ku soo beegmaysa wakhti hay’adaha ammaanka laga sugayo natiijada baadhista weerarkii laba bilood ka hor lagu qaaday Xarunta Wargeyskaas, kaas oo badhtamaha bishii April ee sannadkan laba nin oo Afka duubtay, kana tirsanaa ciidamada Booliska ay wakhti habeenimo ah Weerar ku qaadeen xarunta Wargeyska, waxaanay dhaawacyo u geysteen Maareeyaha Hubaal oo wakhtigaas ku sugnaa Xarunta Wargeyska.

Hawl-galka lagu weeraray Wargeyska Hubaal oo markii dambe dhicisoobay waxa ubucda laga soo abaabulay fashilmay ka dib markii hawl-wadeennada wargeysku gacanta ku dhigeen mid ka mid ah labadii nin ee Weerarka fuliyey, kaas oo gacanta laga geliyey ciidamada Ammaanka Somaliland halkii kii kale oo baxsaday ay ciidamada ammaanku wakhtigaas sheegeen inay ku dabo-jiraan soo-qabashadiisa, balse aan ilaa ilaa hadda la shaacin halka ay ku dambaysay baadhista ciidamada Ammaanku ku baadhayeen falkii lagu weeraray Xarunta Warbaahineed ee Madaxa-bannaan, isla markaana aan wax maxkamad ah la horkeenin Ninka u xidhan Fal-dambiyeedkaas.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories