HomeXukuumadda oo Abaabulaysa Mooshin Xilka lagaga Qaadayo Maayarka iyo ku-xigeenka Caasimadda iyo...

Xukuumadda oo Abaabulaysa Mooshin Xilka lagaga Qaadayo Maayarka iyo ku-xigeenka Caasimadda iyo Sababaha loo aanaynayo

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda uu madaxweynaha ka yahay Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa durba ku hawlan abaabulka mooshin xilka lagaga tuurayo maayarka caasimadda Hargeysa iyo ku-xigeenkiisa, ka dib markii sida wararka xogogaalka ahi xaqiijiyeen duufaanno xil-ka-xayuubin ah lagaga dhex kiciyey mudaneyaasha Golaha Deegaanka.

Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay Golaha deegaanka Caasimadda iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha, haseyeeshee ilo-wareedyo u dhuun-daloola Golaha deegaanka ee Caasimadda, ayaa shabakadda Somalilandpost.info u xaqiijiyey in 12 xildhibaan oo Golaha deegaanka ka tirsan oo xukuumaddu dabada ka riixayso ay abaabulayaan mooshin xilka lagaga tuurayo Md Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) iyo Md Cabdicasiis Cagaweyne.

Lama sheegin sababta mooshinka xil-ka-xayuubint ah looga dhex-abaabulay golaha dhexdiisa, haseyeeshee wararku waxa ay sheegeen in sababta mooshinka xil-ka-xayuubinta ah loogu qaadayo maayarka iyo ku-xigeenkiisu ay tahay ka dib markii Xukuumadda Dhexe ay danaheeda gaar ahaaneed ka dhex arki wayday hawlaha Dawladda Hoose ee Caasimadda, halka warar kale ay sheegayaan in maayarka iyo ku-xigeenkiisa oo Xisbiyada Kulmiye iyo UCID ka soo kala baxay lagu tiriyey inay xidhiidh hoose leeyihiin siyaasiyiin mucaarad ah oo xukuumaddu u adkeysan weyday cambaareyn iyo dhaliilo ay ka tilmaamaan nidaamkeeda maamul.

Golaha Deeganka CasimaddaSida lagu baahiyey shabakadda afka Dawladda ku hadasha ee Somaliland.org oo soo xiganaysa Wargeyska Dawladdu maamusho ee DAWAN , xildhibaan ka tirsan Golaha deegaanka caasimadda oo ka gaabsaday in magaciisa la xuso,  ayaa sheegay inay maayarka Hargeysa ka dalbadeen inuu Golaha isugu yeedho fadhi aan caadi ahayn oo lagaga wada-arrinsado hawlaha iyo wax-qabadka dawladda Hoose u qaabilsan tahay adeegyada bulshada, iyaga oo ajandahoodaha hoose ee u qarsoon yahay inay mooshin xil ka qaadis ah ku soo bandhigaan fadhigaas.

Haseyeeshee, xildhibaan ka tirsan Golaha Deegaanka Caasimadda kana soo baxay mid ka mid ah urur-siyaasadeedyadii doorashada deegaanka ku hadhay, kana gaabsaday inuu magaciisa xuso, ayaa noo xaqiijiyey inaanu jirin mawqif midaysan iyo saluug xildhibaannada golahaasi ka qabaan nidaamka hoggaamineed ee Duqa iyo ku-xigeenkiisa ku hagaan hawl-maalmeedka dawladda hoose, balse waa uu carrabka ku dhuftay inuu jiro qorshe taxan oo laga soo abaabulayo dhinaca xukuumadda oo la doonayo in xilka lagaga qaadyo maayarka iyo ku-xigeenkiisa, waxaanu intaas ku daray in xildhibaannada golaha dhexdiisa ka wada ololahani ay iyaga laftigoodu doonayaan inay qabtaan xilalka maayarka iyo maayar-ku-xigeenka, isla markaana ay yihiin kuwii hore ugu guul-darraystay inay u loolamaan xilalka maayarka iyo maayar-ku-xigeeenka.

Badhtamaha Bishii April ee sannadkan, ayaa fadhi ay isugu yimaaddeen xildhibaannada golaha deeganka Caasimadda Hargeysa, waxa ay cod aqlabiyad ah maayarka Caasimadda ugu doorteed Md Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), ka dib markii uu geeriyooday maayarkii hore ee Hargeysa uu u geeriyood xaalad-caafimaad  darro oo loo geeyey dalka Imaaraadka Carabta, kaas oo ay ka soo wada jeedeen Xisbiga talada haya ee Kulmiye, waxaana fadhigaas ku doorty 24 xildhibaan oo ka tirsan golaha deegaanka.

Si kastaba ha ahaatee, lama garan-karo sababta  wkhtigan ku soo beegtay in warbaahinta dawladdu buun-buuniso xil ka-xayuubin lagu sameeyo maayarka caasimadda ee Asal ahaan ka soo jeeda Xisbiga talada hayaee Kulmiye, balse marka dhinac kale laga eego waxa aan meesha ka maqneyn siyaasadeed iyo ged-geddoonka wejiyada iyo Danaha siyaasadeed ee ka dhex aloosan Gudaha Xisbiga talada haya ee Kulmiye.

Somalilandpost.info

Hargeysa/Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories