HomeXukuumadda Muqdisho oo Shirkad Shidaal Liisan u Siisay Dhul Somaliland Ku Yaalla

Xukuumadda Muqdisho oo Shirkad Shidaal Liisan u Siisay Dhul Somaliland Ku Yaalla

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa(SLpost)- Qaramada midoobay qaybteeda dabagalka ayaa sheegtay in ay  aragtay Email xukuumadda Somalia ay is waydaarsadeen shirkadda Salliidda soo saarta ee ConocoPhillips islamarkaana ay dawladda Soomaaliya Liisan ugu siisay Aaggag shidaal oo ku yaala Somaliland iyo maamul-goboleedka Puntland.

 

Kooxda la socodka cunaqabaynta hubka Somalia iyo Eritrea(Monitoring group), ayaa qayb ka mid ah warbixinta ay soo saartay 19-kii bishan oo ciwaan looga dhigay in Somalia bixinayso Liisamada Shidaalka ee dhul Somaliland iyo Puntland ku yaala. Waxayna kooxdu walaac ka muujisay isku dayga xukumadda Muqdisho ku doonayso inay Baloogyo ku yaala Somaliland kula heshiiso shirkaddo shidaal.

 

Heshiisyada ayaa ku saabsan koontaraagyo shirkaddo shisheeye la galeen xukumadda Somalia intii ka horaysay 1991-kii, kuwaasi oo ay Somalia doonayso inay dib ula bilawdo shirkaddahaasi,balse Somalia ayaan maamulkeedu gaadhsiisnayn meelaha ay heshiisyada la galayso.

 

“ The Monitoring group, waxay si aad ah uga walaacsan yihiin in xaaladda ammaan iyo nabad galyo ee wakhtigan, in dawladda Somalia wasaaraddeeda Badroolka iyo macdantu isku dayayso inay dib u bilawdo heshiisyadii ka horeeyay dagaaladii 1991 ee shirkadda weyn ee shidaalka ConocoPhillips, meelahaasi oo hadda ku yaala Somaliland iyo Puntland,” ayaa lagu yidhi warbixinta iyadoo intaasi raacisay in gobolada Sool iyo Sanaag ay ku yaalaan meelaha shirkadda lagula heshiiyay.

 

Warbixinta waxaa sidoo kale lagu yidhi “ Kooxdu waxay aragtay Email ku taariikhaysan 25, August, 2014, kaasi oo ka yimid agaasimaha sahaminta ee wasaaradda Badroolka iyo macdanta Somalia, Cabdillaahi Abiibakar Xuseen, loona diray Kay Larcom, maareeyaha ConocoPhillips. Email-ku wuxuu ku saabsanaa kulan ka dhacay Washington 8, August, 2014 oo ay wada yeesheen wasaaradda iyo Kay Larcom, waxaanay wasaaraddu balanqaaday inay go’aansatay inay ConocoPhillips kala shaqaynayso heshiisyadii ka horeeyay 1991-kii ee waqooyiga iyo waqooyi bari Somalia. Waxay waqooyiga uga jeedaan Somaliland, waqooyi barina Puntland,” ayaa lagu yidhi warbixintan.

 

Monitoring group, waxay intaasi ku dartay inay aad uga walaacsan tahay qorshahan Somalia, iyadoon la samayn heshiisyo ama is fahan u dhexeeya Somalia iyo maamuladeeda kale iyo sidoo kale iyadoon la samayn hay’addo dawladeed oo xoog leh iyo shuruuc lagu maamulo khayraadka Somalia ee Badroolku ka mid yahay.

 

Warbixinta ayaa u muuqata mid qaramada midoobay garowsan tahay sida aanay Somalia lug ugu lahayn aayo ka tashiga Somaliland, maadaama ay tan iyo 1991-kii kala maamul ahaayeen Muqdisho iyo Hargeysa, waxayna kooxdu walaac badan ka muujisay qorshaha aan macquulka ahayn ee ay wado.

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories