HomeXukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Waxay Baylihisay Hawlihii Qaranka

Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Waxay Baylihisay Hawlihii Qaranka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

27 Sept. 2015 madaxweynihii jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud wuxuu safar shaqo ugu kicitimay dalalka imaaraadka carabta iyo Jamhuuriyada Ireland markii uu casuumad rasmi ah ka helay. Dhawr maalmood kadib markii uu dhamaaday wada hadaladii uu la lahaa madaxda Ireland wuxuu booqasho aan rasmi ahayn oo isaga u gaar ah ku tagay boqortooyada Ingiriiska oo uu weli ku negi yahay. Madaxweynuhu wuxuu dhoofay iyada oo dhibaatooyin ka jiraan dalka sida dhaqaale xumo iyo sixir barar aafeeyey suuqyada iyo noloshii dadweynahaba siiba kuwa danyarta ah, wuxuu dhoofay iyada oo dalka ay ka jiraan abaaro baahsani iyo biyo la’aan, waxa kale oo  jiray oo uu ka tagay xiisad iyo ismaan dhaaf sharci oo u dhaxeeyey xukuumada iyo golaha wakiilada iyo buuq ka dhashay wareejinta Haamasha shidaalka; safarkiisa ka hor madaxweynuhu wuxuu golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye ugu baaqay inay ka soo qayb galaan ciyaar kubada cagta ah oo siidhwalihii ka maqan yahay waliba isaga oo aan si “official” ah u shaacin inuu ciyaarihii ka fadhiistay iyo in kale.

 

Intaas oo dhan oo jirtay hadana dabedii waxaa dhacay rabashado kale oo dad ku dhintay. Runtii xaalada dalku marayo may ahayn inuu masuulkii ugu sareeyey ka maqnaanado mudo intaa leeg, waxay ahayd inuu soo gaabiyo booqashadiisa.

 

Si kastaba ha ahaatee waa wax dhici kara inay madaxweynaha la soo darsaan xaalado uu dalka kaga maqnaan karo waxaase masuuliyadihii madaxweynaha la wareega oo hawlaha sii wada madaxweyne ku xigeenka iyo wasiirada oo is xilqaan dheeraad ah muujiya si aan loo tabin maqnaanshaha madaxweynaha laakiin ragii uu dalka kaga tagay: madaxweyne ku xigeenkii, golihii wasiirada intooda badan, agaasimiyaashii guud iyo qaar ka mid ah shaqaalaha dawladu waxay u kala ololeynayaan musharixiinta ku loolamaya hanashada murashaxa madaxweynaha ee xisbiga kulmiye, waxay faraha ka qaadeen hawlihii ay qaranka u hayeen, lama tago xafiisyada, iyadoo ay markii horeba baylihi jirtay ayey hadana sii baylahday.

 

Dadweynuhu waxay la yaaban yihiin ama ku qoslaan marka ay shaashadaha ka daawadan saddex masuul oo ka wada tirsan wasaarada qudha (wasiir, wasiir ku-xigeen iyo agaasime guud) oo kala taageeraya ama la kala safan saddex musharax.

Waxaa baaqday shirarkii golaha wasiirada, talo iskuguma yimaadaan kooxiba koox ayey ku maqan tahay oo isma arki karaan. Maadama oo aanay jirin xukumada wada socota laysma waydiin rabshadihii Boorama ka dhacay iyo khasaarihii ka dhashay, damintii shaqaaqada waxaa ku kaliyeystay ciidamada bilayska oo taageero ka helayey ciidamada qaranka. Wali waxa maqan doorkii iyo siyaasadii xukuumada si xal kama dambays ah looga gaadho wixii dhacay iyo wixii sababay.

 

Si kale haddii loo dhigo waxaa laysku raacsan yahay in aanay maanta dawlad shaqaysaa ka jirin dalka.

 

Gabgabo:

Shacabkii Somaliland wadnaha ayey farta ku hayaan waxay ka baqanayaan in laga kala tuuro nabad galyada iyo wixii ay dib u yabyabeen afar iyo labaatankii sanadood ee u danbeeyey oo ay madaxdii dalku sabab u tahay, waxay isku hiifayaan inay doorteen xisbi iyo xukuumada aan masuuliyada dalka qaadi Karin.

 

 

Cabdiraxmaan Cadami

abdirahamanadami@yahoo.com

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories