HomeXukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo Qirtay Magac-xumo Dib-u-dhaca Doorashooyinku u soo jiidayaan Somaliland

Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo Qirtay Magac-xumo Dib-u-dhaca Doorashooyinku u soo jiidayaan Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

biixiWarbixin lagaga hadlay doorashooyinka & hannaanka dimoqraadiyadeed ee Somaliland iyo canaan loo jeediyey xisbiyada mucaaridka

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Arrimaha Dibadda Md. Maxamed Biixi Yoonis, ayaa shaaciyey in dib-u-dhacyada doorashooyinku sawir xun ka bixinayaan sumcadda Jamhuuriyadda Somaliland.

Warbixin uu qoray suxufi magaciisu yahay Simon Allison oo lagu faafiyey shabakadda la yidhaa The Daily Maverick oo xaruntoodu tahay magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika, cinwaana looga dhigay ‘Somaliland: Losing patience in the world’s most unlikely democracy,’ ayaa lagu falanqeeyey hannaanka dimoqraadiyadeed ee dalka Somaliland, iyadoo si gaarana qaybo ka mid ah loogaga hadlay dib-u-dhacyada doorashooyinka.

Wasiir Maxamed Biixi oo u warramay weriyaha diyaariyey warbixintan, ayaa sheegay in doorashooyinka xorta iyo xalaasha ah iyo hannaanka dimoqraadiyadda ee ka hirgalay sababeen in Somaliland magac iyo sumcad kaga kasbato beesha caalamka, isagoo iftiimiyey in dib-u-dhaca doorashooyinka oo waqtigooda ku qabsoomi waayaa ay keeni karaan inay sawir xun ka bixiyaan Somaliland.

“Dib-u-dhaca doorashooyinku ma bixinayaan muuqaal fiican, haddii ay waqtigooda ku qabsoomi waayaana sumcad-xumo iyo sawir xun ayey u soo jiidayaan Somaliland,” ayuu yidhi Wasiirka Khaarajiga Somaliland oo xilligan safar shaqo ku jooga qaaradda Yurub.

Waxa kaloo warbixinta lagu sheegay in Komishanka Doorashooyinka Somaliland caddeeyeen in doorshooyinku dib uga dhacayaan waqtiga ay u muddaysan yihiin ee 26 June 2015, isla markaana diwaangelinta codbixiyeyaashu bilaabmayso 21 July 2015, dhammaana doonto 30 November ee sannadkan.

Doorashada madaxtooyada Somaliland, ayaa dhawr jeer dib uga dhacday waqtiga ay u muddaysnayd, iyadoo doorashadii u dambaysay ee madaxtooyadu qabsoontay 26 June 2010, taasoo laba sanno dib uga dhacday xilligii ay u muddaysnayd oo ahaa April 2008, halka doorashada Golaha Wakiillada oo markii u hooraysay qabsoontay sannadkii 2005 aanay ilaa hadda markale ka qabsoomin dalka, mudanayaasha wakiilladuna xilka hayaan muddo 10 sanno ah.

“Waxa muhiim ah oo aanay inta badan bulshada ku dhaqan dalalka reer galbeedku ka war hayn, waxna ka ogayn in dib-u-dhacyada doorashooyinku aanay sharci-darro ka ahayn dalka Somaliland oo dastuurku oggolyahay in dib loo dhigi karo haddii doorashooyinku ku qabsoomi waayaan waqtigooda, waxana sidaas lagu caddeeyey qodobka 83aad ee dastuurka Somaliland.” Sidaas waxa lagu yidhi warbixinta laga diyaariyey Somaliland oo Jamhuuriya ka soo qaatay qaybo ka mid ah.

Agaasimaha Fulinta Akadamiga Nabadda iyo Horumarka Somaliland Mr. Maxamed Faarax Xirsi, ayaa u sheegay weriyaha The Daily Maverick in si badheedh ah qodobka 83aad ee dastuurka loo raaciyey in muddo-kordhin la samayn karo haddii doorashooyinku ku qabsoomi waayaan waqtigooda.

“Farqadda qodobkan si badheedh ayaa loo raaciyey dastuurka, sababtoo ah dadkii diyaariyey dastuurku way ogaayeen in aanay Somaliland awoodayn in doorashooyinka waqtigooda lagu qabto,” ayuu yidhi Mr. Maxamed Faarax.

Sida lagu sheegay warbixintan, xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa ay haystay muddo shan sanno ah oo loogu diyaargaroobo hawlaha doorashooyinka, balse arrintaas waa lagu guul-darraystay, sidaas darteedna aanay cidna kal saari karin in dib-u-dhaca doorashooyinku yihiin qaar farsamo iyo inay tahay arrin siyaasadeed, iyadoo aan xilligana la ogayn in doorashadu ku qabsoomi karto muddada cusub ee Komishanku u qabteen, waxaana warbixintan lagu canaantay xisbiyada mucaaridka oo lagu sifeeyey inay yihiin qaar lumiyey awoodaha iyo waajibkaadka ay u dhisan yihiin.

“Xisbiyada mucaaridku qayb ayey ka yihiin dhibaatooyinka jira, muddo-kordhintuna way ku habboon tahay mucaaridka, waxayna ku fashilmeen inay gutaan waajibaadkooda aasaasiga ah ee xisbinimo, taasoo ah inay xukuumadda ku cadaadiyaan, culaysna ku saaraan, arrintaasina waa meelaha ay ka liidato dimoqraadiyadda Somaliland,” ayaa lagu yidhi warbixinta.

“Xisbiyada siyaasaddu ma laha wax siyaasad ah oo u dejisan, mabda’ iyo fikir ay aaminsan yihiinna ma jiro, iyagoo sidoo kale aan lahayn qaab-dhismeed xooggan.” Sidaa waxa markale yidhi Agaasimaha Fulinta Akaadamiga Nabadda iyo Horumarka Somaliland oo sheegay in aannu jirin wax farqi ah oo u dhexeeya xisbiga talada haya iyo xisbiyada mucaaridka ah.

Warbixintan oo qayb ka mid ah Jamhuuriya hore u baahiyey, waxa kaloo si qoto dheer loogu fallanqeeyey sida beesha caalamku isaga indho-tirtay xaqiiqooyinka dawladnimo ee ka jira Jamhuuriyadda Somaliland, looguna mashquulay in taageero dhaqaale, millatari iyo siyaasadeedba lala barbar joogo Soomaaliya oo hoy u ah dhibaatooyin badan.

Sidoo kale, waxa lagu iftiimiyey sida reer Somaliland uga walaacsan yihiin in dib-u-dhacyada ku yimaada doorashooyinku ay waxyeelo gaadhsiiso sumcadda iyo qadarinta dimoqraadiyadeed ee Somaliland ku leedahay caalamka.

XIGASHO: JAMHUURIYA

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories