HomeXukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo Mawshruuc Siyaasadeed Mucaaridku ka dambeeyey ku sheegtay Calanka...

Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo Mawshruuc Siyaasadeed Mucaaridku ka dambeeyey ku sheegtay Calanka Kulmiye ee Gabiley lagu gubay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo sababaysay ciddi ka dambaysay Calanka Xisbiga Kulmiye oo todobaadkii hore lagu gubay magaalada Gabiley ee Xarunta Gobolkaas, waxaanay ku tilmaamtay mashruuc siyaasadeed oo qayb ka ah duullaan indho la’aan ah oo axsaabta mucaaradku ku hayaan Xukuumadda.

Wasiirka Wasaaradda Wershadaha Somaliland Md Abiib Diiriye Nuur, ayaa ka hadlay mudaharaad ay kaga soo horjeedaan Xisbiga Kulmiye ka dhigay magaalada Gabiley, kuwaas oo dab-qabadsiiyey Calanka Xisbiga talada haya ee Kulmiye oo xaflad dhoola-tus ah ku qabtay magaaladaas, arrintaas oo sababtay in loo xidh-xidho Weriyeyaal madax-bannaan oo tebiyey warka dhacdadaas.

timo cada.jpgMd Abiib Diiriye Nuur waxa uu ku dooday inaanay shacabka Gabiley ahayn kuwa sameeyey falkaas oo ku tilmaamay mashruuc siyaasadeed oo Axsaabta Mucaaradka ahi ka dambeeyaan, isla markaana qayb ka ah wax uu ku tilmaamay xaasidnimo Mucaaradku kaga soo horjeedaan wax-qabadka Xukuumadda uu ka tirsan yahay.

Ugu horeyn, wasiirku waxa uu ka hadlayey dhacdo warbaahinta qaarkeed lagu baahiyey oo koox dhalinyaro ah oo Khamiistii todobaadkii bannaan-bax ay kaga soo horjeedaan Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumaddiisa ka dhigeen magaalada Gabiley, waxaanu yidhi, “Gabiley shirbaa xisbigu leeyahay baa lagu qabtay oo la doonayey in loogu jawaabo Axsaabta Mucaaradka ah ee hadashay. Waxa la yidhi boodhka halaga tumo maadaama wakhtigiiba iska soo dhawyahay, shirkaasina si fiican buu u qabsoomay. Markii laga soo baxay, wixii dhacay eed aragteen mashruuc buu ahaa; calankan la gubay iyo calanka kaba lagu baalashaynayey. Afar inanbaa la leexiyey oo inta meel la geeyey, ayaa lugahooda la sawiray iyo calankii oo gubanaya, waxaana lagu tilmaamayaa inay yihiin dadka reer Gabiley – hadday reer Gabiley yihiin iyaga oo mudaharaadaya oo calanka lulaya, ayaa la ina tusi lahaa, arrintaas iyada ahina samaysbay ahayd. Wax ay reer Gabiley shuqul ku lahaayeen ma ahayn, reer Gabilay waajibkoodii bay ka soo baxeen, shirkoodii bay qabsadeen,” sidaas waxa yidhi Wasiir Abiib Diiriye Nuur oo maanta ka hadlay shir-jaraa’id oo isaga iyo masuuliyiin xukuumadda iyo xisbiga Kulmiye ka tirsani ku qabteen xarunta Wasaaradda Wershadaha.

Abiib Diiriye Nuuxr waxa uu si adag u dhaliilay siyaasadda Xisbiyada Mucaaradka oo uu ku eedeeyey inay majaro-habaabiyeen, sifo khaldanna u isticmaalayaan doorkooda mucaaridnimo oo uu ku sifeeyey inay u xuub-siibatay xaasidnimo iyo aflagaado ay xukuumaddiisa la daba-joogaan, isaga oo ugu maah-maahay hal-hays uu ku masaalay xaasinimada uu ku eedeeyey Xisbiyada Mucaaradka.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland markii uu xisbiga ahaa ballaamihii uu qaaday intoodii badnayd way fuleen, indhaha caafimaadka qabaa way arkayaan, kuwase xannuunsanayaa arki maayaan. Waxaana la innaga soo taagay Immika mucaaraddadii si khaldan ayaa loo wadaa; waxay ahayd inay mucaaraddadu wax toosiso oo wixii khaldan ay dawladda farta ugu fiiqaan bay ahayd. Iska daa taase, tii la qabtay ee waajibka ahayd ayaa cay laga dhigayaa. Waxa immika laga soo taagay dalkeenni iyo dadkeennii ama mucaaradkeennii cay iyo aflagaaddo iyo xaasinimo,” Sidaas ayuu yidhi Abiib Diiriye Nuur.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories