HomeXukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo Markii u horreysay Qirtay in la dayacay Mujaahidiinta...

Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo Markii u horreysay Qirtay in la dayacay Mujaahidiinta u soo Halgantay Dalka iyo Qoysaskooda

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wasiirro xukuumada madaxweyne Siilaanyo ka tirsan, ayaa qiray in la dayacay, lana duudsiyey xuquuqda ay qaranka ku leeyihiin mujaahidiinta u soo halgantay dalka intooda nool, wax loo qabtayna aanay jirin, iyagoo ballanqaaday inay xukuumad ahaan taageero iyo daryeel u fidin doonaan naafada SNM iyo mujaahidiinta xuskoodu dhiman yahay ee dalka gudihiisa ku dayacan.

wasiirradaWasiirrada Qorshaynta Md. Sacad Cali Shire, Diinta iyo Aw Qaafta Sheekh Khaliil Cabdillaahi Amed, Wasiir-ku-xigeenka Caafimaadka Marwo Nicmo Qawdhan, Agaasimaha Samafalka Madaxtooyada Marwo Aamina Maxamuud Diiriye oo ka qaybgalay xaflad qadhaan loogu ururinayey mujaahidiinta dhimirka wax ka qaba oo maanta lagu qabtay hudheelka Imperial ee magaalada Hargeysa, ayaa tilmaamay in shacab ahaan iyo dawlad ahaanba la iloobay, lana dayacay mujaahidiinta tabaalaysan iyo qoysaskay ay ka tageen halgamayaashii xoreeyey Somaliland.

Wasiirka Diinta iyo Aw Qaafta Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed oo halkaas ka hadlay, ayaa caddeeyey la gees maray xuquuqda mujaahidiinta taariikhda ku leh dalka Jamhuuriyadda Somaliland, lana dayacay caafimaad ahaan iyo daryeel ahaanba. “Waxa innagu waajib ah shaki la’aan dadkaasi (mujahidiinta) waa dad xuquuqdooda in badan la gees-maray amma hawlihii faraha badnaa ee ina haystay ee dib-u-dhiska dalkan lagaga fikirayey in badan lagu illaaway, laakiin in aan la hilmaamin bay ahayd, balse hadday dhacday oo hadday hore inoo dhaaftay waa in aynu isu abaabulno oo munaasibadaha sidan oo kale ah la xoojiyo oo Ilaahay lagaga baqo dadka inagu dhex tabaalaysan ee runtii xuquuq badan oo la illaaway loo soo celiyo oo loogu dedaalo in caafimaadkooda iyo daryeelkooda laga hawlgalo, ee isu abaabushay ee isku dirtay waa inaynnu la shaqaynno oo is-garab taagno xukuumad, shacab iyo dadweynahaba,” ayuu yidhi Sheekh Khaliil.

Waxa kale oo uu soo jeediyey in wixii hadda ka dambeeya loo hawlgalo in wax la taro mujaahiidiinta SNM, gaar ahaan kuwa xuskoodu dhiman yahay, waxaannu yidhi; “Waxaannu xukuumad ahaan ballanqaadaynaa in aannu dadkaas u hawlgalno oo si shaqsi ah iyo si jamac ah iyo si dawladnimo looga wada hawlgalo oo dadka mudan ee ugu horreeya wixii la tari karo la taro. In badan baa laga gaabiyey, taasna waannu ka cudurdaaranaynaa.”

Wasiirka Qorshaynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shire, ayaa carrabka ku adkeeyey in xorriyadda, nabadda iyo horumarka Somaliland ku yimi kumanaan geesi oo nafahooda u waayey iyo qaar u dhaawacmay. “Gabigeennu waxaynu ku soo toosnay innagoo haysanna xorriyad buuxda, xorriyad siyaasi ah, xorriyad dhaqan ah, innagoo haysanna xuquuqal-insaankii qofka bani’aadamka ah Ilaahay ugu talogalay. Xorriyaddaas aynnu ku soo toosnay Ilaahay baa inoo gartay oo ina siiyey, laakiin cid baa sabab u ahayd, cid baa u soo halgantay, u soo dagaallantay, u soo dhimatay, u soo dhaawacantay, una dayacday danahoodii. Waxa kale oo aynnu ku soo toosnay xisillooni, degenaansho iyo nidaam dawli ah. Kaalintiisa Ilaahay wuu ina siiyey, laakiin cid baa u soo halgamay, dad baa ka taliyey, dad baa iska kaashaday, dad baa isaga tanaasulay, dad baana habeen iyo maalin u soo jeeday,” ayuu yidhi Wasiirku

“Intii halganka u soo gashay amma ha ahaado kii dhaqdhaqaaqa amma ha ahaado mid siyaasi ahba amma ha ahaado ka bulshada waxay innaga mudan yihiin xus, mahadnaq. Halgan baa la soo galay, dhaawacyaa innaga soo gaadhay, dhimasha innaga soo gaadhay. Dhaawacyada waxa ka mid ah mid jidhka iyo maskaxda. Innagu haddaynnu reer Somaliland nahay wax badan oo aynnu ku wanaagsanahay baa jira. Maanta hareeraheenna dab aya ka wada holcaya. Innagu nabad baynnu nahay oo waa wax aynu dadka dheer nahay, laakiin waxyaabo la innagaga wanaagsan yahay baa jira, waxana ka mid ah xuska dadka taariikhdeenna ku suntan,” ayuu yidhi Wasiir Sacad Cali Shire.

Wasiir-ku-xigeenka Caafimaadka marwo Nimco Xuseen Qawdhan, ayaa sheegtay in haween ahaan ay ka qaybqataan wax-tarida iyo daryeelidda mujaahidiinta dhimirka wax ka qabta, waxaanay kaga dhawaaqday lacag dhan $1,000 doollar oo ay sheegtay inay ka timid muwaaddinad reer Somaliland ah oo deggan dalka Imaaraadka Carabta.

Agaasimaha Xafiiska Samafalka Madaxtooyada marwo Aamina Maxamuud Diiriye, ayaa ganacsatada Somaliland ku canaantay in ay ka gaabiyeen doorkoodii kaga aaddanaa daryeelidda mujaahidiinta, waxaanay halkaas kaga dhawaaqday lacag dhan $1000 doollar oo ay shaqsi ahaan ugu deeqday mujaahidiinta dhimirka wax ka qaba. “Maaha in meelaha noocan ah la isugu yimaad oo loo baryootamo dadkii dalkan u soo halgamay oo baayac mushtarkoodii la yidhaa kaalaya. Daaraha dhaadheer ee magaalada Hargeysa ka muuqda, lugahaas go’an ee halkaas fadhiya ayey dhiiggoodii qabaan iyo intii dhimatay, in maanta bayac-mushtarkii intay xafladda iman wayaan, kana qaybqaadan wayaan qaadhaanka waa ayaan-darro, daarahooda dheedheerna barako yeelan maayaan,” ayey tidhi marwo Aamina.

Dhawaaqa ka soo yeedhay wasiirrada Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, ayaa noqonaysa markii u horreysay ee masuuliyiin xukuumadda ka tirsan ku baraarugaan dayaca mujaahidiinta dhimirka wax ka qaba iyo qoyskaska ay ka geeriyoodeen dadkii u soo halgamay xorriyadda.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories