HomeXukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo ku Gacan-saydhay Baaqyo talooyin xambaarsan oo Xisbiyada...

Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo ku Gacan-saydhay Baaqyo talooyin xambaarsan oo Xisbiyada Mucaaradka ahi u jeediyeen

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Maxamed Biixi YoonisHargeysa (SLpost)- Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, ayaa ku gacan-saydhay baaq axsaabta Mucaaradku ugu jeediyeen inay faraha kala baxdo wada-hadallada ay kula jirto Somalia oo ay ku tilmaameen mid lagu hoos-qarinayo jallaafooyin siyaasadeed oo Qaranimada Somaliland waxyeello u geysanaya

Labada xisbi mucaarad ee Waddani iyo UCID ayaa bishan horaanteedii si midaysan xukuumadda Somaliland ugu soo jeediyey inay ka baxdo wada-hadallada Soomaaliya, iyaga oo taas ku sababeeyey ballan-qaadyo iyo heshiisyo lagu gaadhay wejiyadii hore ee wada-hadallada oo dawladda Xasan Sheekh Maxamuud ka baxday, sidaas awgeedna aanay ku istaahilin in wada-hadalladu sii socdaan.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Md Maxamed Biixi Yoonis oo maanta war-fidiyeennada ugu warramayey garoonka diyaaradaha ee Hargeysa, ka dib socdaal maalmo qaatay oo dalka Itoobiya uu kaga soo laabtay, ayaa sheegay inay Xukuumad ahaan diyaar u yihiin sii-wadista wada-hadallada u dhexeeya labada waddan oo uu ku tilmaamay inay Somaliand dan weyni ugu jirto.

Wasiirka Maxamed Biixi Yoonis oo la weydiiyey waxa ay xukuumad ahaan kaga jawaabayaan baaqyada Axsaabta Mucaaradku ku soo jeediyeen in laga baxo wada-hadallada, waxa uu ganafka ku dhuftay soo-jeedimaha mucaaradka, isaga oo ku adkaystay inay sii wadayaan ka-qayb-galka wada-hadallada u dhexeeya Somalia ee ay dawladdaTurkigu marti-gelintiisa gacanta ku hayso.

“Waxaanu qabnaa inay danta Somaliland ku jirto inay wada-hadalladu sii socdaan, caalamkuna uu ina dhex-galo oo Turkiga iyo Dawlado kale oo fara-badaniba ay ka soo qayb-galaaan,” sidaas ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Md Maxamed Biixi Yoonis.

Wejiga Lixaad ee wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya oo la filayay inay qabsoomaan bishii hore, ayaa dib loogu riixay ilaa Bisha Siddeed ee sannadkan. Haseyeeshee waxa muran xooggani ka taagan yahay isla markaana aanay labada dhinac wali isla meel-dhigin gacan ku dhigista maamulka hawada Sare ee dalweynihii laysku odhan jiray Soomaaliya oo xilligan maamulkeedu gacanta ugu jiro hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan duullimaadyada Caalamiga ah ee ICOA. Waxaanu is-marin waagani meesha ka saaray qodobbo ka soo baxay wejigii u dambeeyey wada-hadallada oo labada dhinac heshiis ku gaadheen in maamulka Hawada ay si wada-jir ah u maamulaan isla markaana xarunta laga maamulayaana noqoto magaalada Hargeysa, balse waxa qodobkaas jebisay dawladda Soomaaliya oo doonaysa in keligeed lagu wareejiyo maamulka hawada Sare, arrintaas oo ah sababta ay axsaabta mucaaradku ku daliishanayaan in la joojiyo wada-hadallada Soomaaliya.

SOMALILANDPOST.NET

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories