HomeXukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo go’aan ka soo saartay Caleemo-saarka Madax-dhaqameedka iyo kuwa...

Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo go’aan ka soo saartay Caleemo-saarka Madax-dhaqameedka iyo kuwa ay u oggoshahay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa gebi ahaanba mabnuucday caleemo-saarka madax-dhaqameedka Cusub, sida lagu sheegay war-qoraal ka soo baxay wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland.

Daawo:-Wasiir Warancade Oo Lagu Yaqaanay Cayda Somaliya Oo Si Qabaw Uga Hadlay Weerarka Ciidanka Bada Ee Jabuuti iyo Dafirida Qaranimada SomalilandQoraalka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland oo uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, waxa lagu sheegay in wasiirka Wasaaraddaasi Md Cali Maxamed Waran-cadde uu wareegto ku mabnuucay gabi ahana caleemo-saarka Salaadiinta iyo Cuqaasha Cusub, marka laga reebo caleemo-saarka Salaadiinta iyo Cuqaasha ku yimaadda nidaam dhaxal-tooyo ah,

Qoraalka ayaa u qornaa sidan:- “Wasiirka Wasaarada arrimaha Gudaha Somaliland Mudane  Cali Maxamed Waran-cadde Isaga oo  tixraacaya  Wareegtadii  Sumadeedu ahayd WAG/Xw/86/72/2015 kuna  taariikhaysan  11/01/2015  oo  kazoo   baxday   xafiiska wasiirka   Arrima gudaha   ujeedadeeduna ahayd  joojinta  caleemo saarka  cuqaasha iyo salaadiinta  soo  badanaya.

“Waxaa uu wasiirka ku wargalinayaa  dhamaanba Badhasaabada Dalka Iyo Taliyaha Ciidamada Boliska  JSl . in la joojiyo  dhamaan caleemo saarka  Salaadiinta  Iyo Cuqaasha Cusub ee aan Ku Iman Dhaxaltooyo.

Sidaas awgeed waxa laydin  farayaa inaad ka ilaalisaan  Gobolada Iyo Degmooyinka aad Madaxda u Tihiin  in lagu  caleemo saaro  Suldaan iyo Caaqil Cusub, isla markaana waxay  wasaaradu  gacanta ku  haysaa  Sharcigii Lagu Mabnuuci Lahaa Madaxdhaqameedka Cusub ee Somaliland.

Ugu  Danbayntii Waxaad  la wada socotaan  Baryahan Danbe  Cadawga Somaliland Waxa uu  isku Dayayaa  Sidii loo kala Qaybin lahaa  bulshada  Somaliland , iyaga oo Doonaya  Inay  Bulshada ka dhex samaystaan  Madax Dhaqameed Madiidaan  u  noqda.” Sidaas ayaa lagu sheegay qoraalka oo uu ku saxeexan yahay afhayeenka Wasaaraddaas Jamaal Cabdi Muxumed.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories