HomeXukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo Aaminsan in wax-qabadkeedu Jawaab ugu filan yahay Dhaliilaha...

Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo Aaminsan in wax-qabadkeedu Jawaab ugu filan yahay Dhaliilaha Siyaasiyiinta Mucaaradka ah

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, ayaa sheegtay inaanay dheg-jalaq u siin doonin isla markaana aanay ku mashquuli doonin inay ka jawaabto Dhaliilaha siyaasiyiinta Mucaaradka ahi ka sheegaan hoggaamintooda, waxase ay ku doodday in wax-qabadkeedu jawaab u noqon doono dhaliilaha mucaaradka.

SamaaleWasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa wax-qabadka xukuumadda uu ka tirsan yahay ku tallaabsatay jawaab u noqonayo dhaliilaha mucaaradka oo uu sheegay inay caadaysteen aflagaadeynta Madaxweynaha Axmed Siilaanyo, waxaanu axsaabta mucaaridka ah ugu baaqay inay bulshadda u soo bandhigaan wax u cuntama.

Wasiirka Maaliyadda oo hadal ka jeediyey munaasibad lagu qabtay xarunta Akhrista Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa oo lagu soo bandhigay akhris-wadareed lagu shaaciyey buug laga qoray Aabihii labaad ee Waxbarashada Somaliand Alle ha u naxariistee Yuusuf Xaaji Aadan Qabille, waxa uu sheegagy inay xukuumada Madaxweyne Siilaanyo garab taagan tahey dhallinyaradda isla markaana kana shaqaynayso horumarinooda.

“Madaxweynaha ma waxaa wax ka sheegaaya mid Aan la garaneyn waxa uu yahay iyo wax uu dalkan u qabto? madaxweynuhu u jawaabi maayo Dadka caadaystey inay cay iyo qabyaalad ummadan ku jahawareeriyaan laakiinse waxaanu kaga jawaabeynaa ficil iyo wax-qabad muuqda,” ayuu yidhi Wasiirku, isaga oo hadalkiisa sii watayna, waxa uu intaas ku daray oo yidhi, “Miisaaniyada qaranka waxaanu ka soo Qaadnay 47 Milyan oo Dollar, Waxaanan gaadhsiinay 200 Milyan.”

Wasiir Samaalle waxa uu Madaxweyne Axmed Siilaanyo ku tilmaamay Hoggaamiye wanaagsan oo dalkiisa ku hoggaamiyay jidkii horumarka iyo waxqabadka, waxaanu yidhi, “Madaxweynaheenu Waa Hogaamiye Wanaagsan oo ummadani Xoolaheegii u Ilaaliyay Horumariyayna.”

Wasiirka Maaliyaddu waxa uu axsaabta Mucaaradka ugu baaqay inay wax ka beddelaan Ololahooda siyaasadeed ee qabyaaladaysan oo uu tilmaamay inay tahay arrin dib-u-dhac ku keenaysa horumarka bulshada iyo dimuqraadiyadda dalka.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories