Home"Xukuumadda maanta talada haysaa doorasho ayay ku timi, Talo way u baahan...

“Xukuumadda maanta talada haysaa doorasho ayay ku timi, Talo way u baahan tahay iyo in ay axsaabta qaranka ka qayb geliso Talooyinka Qaran” – Jamaal Cali Xuseen

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, ayaa soo dhaweeyey wada-hadallo kasta oo dhex mara Somaliland iyo Soomaaliya, balse waxa uu soo jeediyey inay wada-hadalladu noqdaan kuwo midho dhala oo natiijo dadka iyo dalka waxtar u leh ay ka soo baxaan.

Murashaxa madaxtinimada Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen, ayaa qiray in xukuumaddu xaq u leedahay xulashada ergada wada-hadallada uga qayb-galaysa Somaliland, balse ay tahay in axsaabta Qaranka laga qayb-galiyo talooyinka Qaran.

Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo caawa soo saaray war-saxaafadeed ka kooban lix-qodob oo u arrintan kaga hadlay, waxa uu ka hadlay aragtida Xisbigooda ee Ergada ka qayb-galaysa shirka wada-hadallada Somaliland iyo Somaliland.

jamaal

War-saxaafadeedkaas, ayaa u dhignaa sidan: “1. Marka hore waxaanu soo dhowaynaynaa wada hadallo kasta oo dhex mara Somaliland & Somalia sida ay bulshada caalamkuba u dhiirrigelinayaan;  haseyeeshe waxaanu soo jeedinaynaa wadahadalku inuu noqdo mid midho dhala, ee aanu noqon mid sii soco oo soo soco ah.

2. Waxaanu aaminsanahay in taasi ku suurto gali karto, in marka hore la caddeeyo Agendaha shirka iyo qodobada laga wada hadlayo.  Marka la isku raaco qodobada laga wada hadlayo ayaa la gaadhi karaa meel looga sii socon karo, wada hadalka iyadoo laga wadda dheregsan yahay arrimaha shirka lala tegaayo.

3. Xukuumadda maanta talada haysaa doorasho ayay ku timi, talo way u baahan tahay iyo in ay axsaabta qaranka ka qayb geliso talooyinka qaran sida tan wadahadalka oo kale ah, haseyeeshee waxay xaq u leedahay xulashada ergada wadahadalka, iyadoo marwalba laga duulayo in masiirka shacabka Somaliland ee gooni isu taaggu  yahay mid aan gor-gortan geli Karin. Xisbiga UCIDna waxa ay ummaddu u igmatay inay ku ilaaliyaan xisbiga talladda haya markasta oo ay u arkaan in laga leexanayo wadaddii ka midho dhalinta hanka shacabka Somaliland. Markasta oo aanu aragno in dariiqii laga leexanayana waa mid naga go’an in aanu shacabka la wadaagno.

4. Xisbiga UCID wuxuu aaminsanahay in ergooyinka wada hadalka ka qayb galayaa ay ahaadaan kuwo la mida ama leh miisaankii iyo saamigii ergadii calanka ka soo qaadaysey Ingiriis wakhtigii xoriyadda ee 1960kii, saami ku suntan ergo isleeg tiro ahaan beesha dhexe iyo beelaha darafyada; waxaanan xukuumadda Kulmiye u soo jeedinaynaa in ay ka waantoobaan is indhotirka dhowraana wadajirka, calool fayoobida iyo wax wada lahaanshaha shacabka S/land.

5. Siyaasadda Xisbiga UCID waa mid ku qotonta in aan walaalaheena Somalia ee aynu kala baxnay 1991 kii ahaano walaalo derisa, isla markaana kula noolaano is jacayl la mid ah ka aynu u hayno walaalaheena Dawlada Deegaanka Somaalida Ethiopia ama walaalaheena Soomaaliyeed ee Dawlada Djibouti ama walaalaheena ku jira Dawladda Kenya.

6. Ugu Dambayn, waxaan soo jeedinaynaa in ay madaxda qaranka iyo kuwa xisbiyaduba dhowraan anshaxa masuuliyadda kana waantoobaan hadalada aan habboonayn ee saxaafada la isu marinayo.”

Hadalkan ka soo yeedhay Murashaxa madaxweynaha ee Xisbiga UCID, ayaa u muuqda mid ka soo horjeeda dhaliilo dhawaan ka soo yeedhay Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo xukuumadda ku eedeeyey inay maroorsatay ergada wada-hadallada Somaliland iyo Somalia.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories