HomeXukuumadda Kulmiye oo Axsaabta siyaasadda ku tilmaamtay Gabbood ay Cadowga Somaliland ...

Xukuumadda Kulmiye oo Axsaabta siyaasadda ku tilmaamtay Gabbood ay Cadowga Somaliland ku dhuuman karaan

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka wasaaradda Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska ee Somaliland Md Cali Siciid Rayagal, ayaa sheegay in xubno cadaw ku ah  qaranimadda Somaliland ay ku  dhex dhuuman karaan axsaabta mucaaradka ah.

Wasiir Raygal oo hadal ka jeediyay xaflad qaadhaan loogu ururinayay dhismaha waddada u dhaxaysa magaalooyinka Burco iyo Ceerigaabo oo xalay lagu qabtay Hudheelka Imperial ee magaaladda Hargaysa, ayaa sidoo kale shacabka Somaliland uga digay in aanay waxba ka maqlin xubno uu sheegay in ay siyaasadda ku hafadeen, isla markaana garan la’a meel ay wax u kexeeyaan.

Waxaanu tilmaamay in siyaasiyiin ku fashilmay hoggaaminta Somaliland ay xukuumadda eedaymo aanay waxba ka jirin markasta caado ka dhigteen in ay u jeediyaan. waxaanu yidhi “Nin siyaasadda ku margaday oo wax badani ay seegeen, oo sidii ninkii fulayga ahaa isaga oo faraska saran faraska ka degay, ee inta uu orday faraskii aamini waayay ee garan-waayay meel uu wax u kexeeyo, ummadda Somaliland u maqli mayso. Somaliland waa dal jira oo qaran ah, ayaanay beesha caalamku ina aqoonsanine. Cadaw way leedahay, cadawgaasi ama guddaha ha noqdo ama dibada ha ka yimaado”.

Cali Siciid RaygalWasiirku isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi “Innagu axsaab qaran ayaynu samaysanay, waxa aynu u samaysanay saddexda xisbi qaran in si dimuqraadiyad ah, in si sharaf ah loogu soo tartamo kursiga, oo dadku isaga oo xor ah uu tartanka ka qayb galo, axsaabta qaranka nin in ay Somaliland dunto doonaya ayaa ku soo gaban kara, markaa waa in aad ogaataan oo in uu qaranka mijo xaabin karo aad ogaataan, oo aad indho dheer u yeelataan” ayuu yidhi wasiirku.

Waxa kale oo uu wasiirku sheegay in xukuumaddan talada hasya uu qorsheheedu yahay in ay ka shaqayso waxqabad dhinacyo badan leh, sida wadooyinka, caafimaadka, deegaanka beeraha iyo meelaha kale ee muhiimka ah.

SOMALILANDPOST.NET

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories