HomeXukuumadda Jabuuti oo cabsi Xooggan ka muujisay Khasaare kaga yimaad Al-Shabaab, kana...

Xukuumadda Jabuuti oo cabsi Xooggan ka muujisay Khasaare kaga yimaad Al-Shabaab, kana hadashay Qaabka lagu soo Gunaanadi karo La-dagaalankooda

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Jabuuti (SLpost)- Dawladda Jabuuti ee uu gadh-wadeenka ka yahay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa si faahfaahsan uga hadashay mawqifkooda ku aaddan saamaynta Kooxda Al-Shabaab ee gobolka Geeska Afrika iyo duqaymaha diyaaradaha Drones-ka ee Maraykanku u adeegsado bartilmaameedyada kooxaha Xag-jirka ah.

Xukuumada Jabuuti waxa ay hoosta ka xariiqday in dagaalka lagaga soo horjeedo kooxaha xag-jirka ah ee caalamka ay qaadanayso muddo dheer, balse loo baahan yahay in laga midaysnaado diyaar-garow dhinac walba ah.

WASIIRKAWasiirka Arrimaha Dibeda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf oo xog-warraysi arrimahan la xidhiidha siiyey wariye Frank Gardner oo dhinaca Ammaanka u qaabilsan Idaacadda BBC, ayaa sheegay in dalkiisu halis u yahay kooxda Shabaab, xilligana ay qorsheynayaan inay dhufaysyadooda ka soo saaraan intaanay guryahooda ugu iman.

Dalka Jabuuti, ayaa ka mid ah waddamada ku jira Hawl-galka Xoogagga nabad-ilaalinta ee AMISOM ka wadaan gudaha dalkaasi Soomaaliya, kuwaas oo dawladda itaalka Daran ka taageera dhinaca ammaanka, meelo badan oo dalkaas ka mid ahna kula dagaalama Xooggaga kooxda Al-Shabaab ee ka talisa gobollada Koonfureed ee dalkaasi.

Xog-waraysiga Wariye Frank la yeeshay Wasiirka Arrimaha dibadda Jabuuti oo dhinacyo badan taabanaya, ayaa u dhacay sida tan:-

S: Sidaad u argtaa halista idiin kaga soo wejahan Alshabaab iyo al Qaida guud ahaan gobolkan Geeska Afrika?

Waxaan dhab ahaan dareensan nahay in jabuuti ka mid tahay dalalka ugu horeeya diiradoodu saaran tahay al shabaab ee gobolka, sida hore ay hogaamiyeyaashoodu ugu hanjabeen inay u soo diri doonaan boqolaal is-qarxiya, xilliyo kala duwana hanjabaada way u soo jeediyeen jabuuti.

S: Sidaad u aragtaa natiijooyinka hawlgalka la dagaalanka argagaxisada Maraykanka ee gobolka iyo adeegsigooda diyaaradaha Drone?

Hawlgalada diyraadaha Drones iyo hawlgalada kale ciidamada ajaanibka, waxay marka koowaad u sahlaan helitaanka macluumaadka gudaha AMISOM, waxaanay mararka qaarkood diyaaradaha Drones bartilmaameedsadaan hogaamiyeyaashooda sare, taasoo muhiim ah, annaguna aanu taageersan nahay.

S: Immisa Ayey Qaadanaysaa Ugu Dambayn In Laga Adkaado Al Shabaab Ayaad Filaysaa?

Waxaan filayaa in taasi noqon doonto dagaal muddo dheer in laga adkaado argagxisada caalamka, maadama al shabaab qeyb ka tahay shabakada balaadhan ee argagxisada caalamka. Si shabakadaa looga guulaysto, waxaan qabaa in loo baahan yahay iskaashi caalami ah oo lagaga hortago, dhaqaale badan iyo weliba tababaro gaar ah oo la siiyo ciidamadooda wadamada halista muuqata ay ku hayaan sida jabuuti,  Itoobiya iyo Kenya. Waxa sidoo kale loo baahan yahay taageeradooda dhinac walba wadamada sida Maraykanka oo imkaaniyaad u leh inay dabagalaan argagaxisada meel kastoo caalamka ah, taasi waa muhiim. Waa inaan ka soo saarnaa dhufaysyadooda, balse aanan sugin intay guryaheena inoogu imanayaan. Xilligan qorshahayagu waa sidaa, waxaana noo muuqata gebagebadii mushkiladaa.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories