HomeXukuumadda Iyo Xildhibaan Nac-nac Oo Guri u dhisay muwaadin xanuunsanayay muddo 50...

Xukuumadda Iyo Xildhibaan Nac-nac Oo Guri u dhisay muwaadin xanuunsanayay muddo 50 sanadood ah

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland iyo Xildhibaan Axmed Maxamed Maxamuud Diiriye (Nac-Nac), ayaa si wada jir ah ugu dhisay Guri sadex makhsin ah, muwaadin muddo konton sanadood maskaxda ka xanuunsanayay oo la yidhaahdo Axmed Aw Xasan Knur, oo ku darayaysnaa degmada Axmed Dhagax ee magaalada Hargeysa

Ninkan Xanuunsanayay oo lagu hayay jiingad yar oo cidhiidhi ah isla markaana aan roobka celinaynin, waxa dhaqaalaha loogu dhisay dhismahani uu qeyb ka ahaa kharashkii xukuumaddu ugu deeqday 15 qoys oo todobaadkii hore roobkii ka da’ay magaalada Hargeysa uu jiingadii ka qaaday guryahoodii.

blankHooyo Saado Aw Xasan Aw Knur, oo ka mid ah ehelada ninkan xanuunsanaya ayaa xukuumada Iyo Xildhibaan Axmed Nac-nac uga mahad celisay dhismahan iyo siday u taageereenba, iyadoo arrintaasi ka hadlaysayna waxay tidhi

 “Waxa la yidhaahdo ninkani buka Axmed Aw Xasan Nuur wxaa uu xanuunsanayay ilaa 1960, waxaanu miyir qabay 2 sano, waxaanu haynay ilaa waqtigaasi. Ninkani waxaa uu noo ahaa miciin, waxaana waqti hore u tagey Jabuuti oo uu ka dhigtey malcamad la odhan jirey Al Najaxaaiya.”

Hooyo Saado oo hadalkeeda sii watay waxay intaasi ku dartay “Markaasi annagoo sida ku dhaqan ayaa malintii roobka dabayluhu da’ay waxaa noo yimid xildhibaanka Nacnac markii uu noo yimid waa uu naga noqday, waxaa uu noogu tagay Dowladda, Ilaahay haa daaye madaxweynaha, wixii uu noogu soo dhiibay waaa uu na soo gaadhay, waxaa kale oo noo yimid madax kale oo tiro badan oo ninba meel qaabilsan yahay, waxaan u mahadnaqaya cid kasta oo ninkani xanuunsanaayo u gunteday inay wax u qabato hadday Dowladda tahay oo ugu horeeyo madaxweynaha iyo xildhibaanka, aad iyo aad ugu mahadnaqayaa dhamaantood.”

blankXoghayaha Gobolka Hargeysa Xamse Ciise oo isaguna ka hadlay guriga loo dhsiaayay ninkan xanuunsanaya ayaa waxaa uu yidhi “Halkan maanta aynu joognaa waa muwadin xanuunsanaayay muddo ku dhow 50 sano, waxaana xaaladiisa u kuurgaley oo soo arkay xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) iyo madaxtooyada oo iska kaashaday Dhismaha gurigan aynu joogno oo ku kacay 2,500 Doolar, (kun iyo shan boqol oo doolar) wxaa bixisay madaxtooyada, 1000-kana waxaa bixiyay oo ku darey xildhibaanka Nacnac , waxaan u mahadnaqaayaa madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo gacan weyn ka geystay hirgalinta dhismahani.”

Sidoo kale xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) oo ah masuul had iyo jeer ku hawlan wax u qabashada dadka jilicsan, waxaana xoghayuhu tilmaamay muhiimada ku jirtaa dadka jilicsan ama xanuusanaaya.

 Sidoo kale waxa halkaasi ka halkaasi ka hadlay xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) ayaa sheegay inuu xukuumada gurmad u weydiiyay xaalada ninkan xanuunsanaya, waxaanu tilmaamay in madaxweynuhu ugu deeqay 1500 doolar, halka uu isna ku daray 1000 doolar.

Xildhibaanku wuxuu sheegay in dhismaha maqsinkan weyn uu wax ka tarayo daranyaddii haysay muwaadinkan xanuunsanayay.

Xildhibaanku wuxuu ugu baaqay muxsiniinta ah ee khayrka jecel inay fadliga bishan Ramadaan ku soo cawiyaan ninka xanuunsanaya si loogu ururiyo kharash jal looga dhigo iyo wixii kale ee macuuna.

 Xildhibaanku wuxuu u mahad celiyay madaxweyne Axmed Siilaanyo oo uu xusay inuu si dhego nugul uga jawaabay dalabkii uu ula tagay gacan weyn ka geystay dhismahan.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories