HomeXukuumadda iyo SONYO oo si faaahfaahsan uga xog-warramay Sanduuq Horumarineed oo loogu...

Xukuumadda iyo SONYO oo si faaahfaahsan uga xog-warramay Sanduuq Horumarineed oo loogu talo-galay Dhalinyarada dalka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Md Cali Siciid Raygal iyo Guddoomiyaha Dalladda Ururrada dhalinyarada Somaliland ee SONYO Mubaarig Ismaaciil Taani, ayaa ka hadlay muhiimadda uu leeyahay iyo qorsheyaasha loogu talo-galay sanduuq loogu talo-galay horumarinta dhalinyarada dalka oo madaxweyne Siilaanyo dhowaan ku dhawaaqay.

wasiirMadaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo 20-kii Bishan ka qayb-galay munaasibad uu xadhigga kaga jaray dhise cusub oo loo dhisay wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland, ayaa halkaas ka dhawaaqay sanduuq dhaqaale oo loogu talo-galay horumarinta iyo kor-u-qaadista barnaamijyada dhalinyarada dalka, waxaanu madashaas ka sheegay inuu madaxweyne ahaan sanduuqaas uu ku riday qaadhaankii ugu horreeyey oo tiradiisu dhammayd Boqol Kun oo Dollar.

Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha iyo Guddoomiyaha Dalladda Dhalinyarada ee SONYO oo u warramay Shabakadda Somalilandpost.net iyo Wargeyska Himilo, ayaa faahfaahiyey qorsheyaasha loo qoondeeyey sanduuqan, qaabkii uu ku dhashay fekerka lagu aasaaskiisa iyo cidda maamulkiisa gacanta ku hayn doonta, ayaa si qoto-dheer uga war-bixiyey kaalinta uu barnaamijkani ka geysan karo isbeddel dhinacyada shaqo-abuurka iyo waxbarashada ah.

Wasiirka wasaaradda Dhalinyarda, Ciyaaraha iyo Dhaqanka ee Cali Siciid Raygal, ayaa tallaabada lagu hirgeliyey saduuqan ku tilmaamay mid horseed u noqon doonta xal wax ku-ool ah oo laga gaadho dhibaatooyinka dhalinyarada ka haysata dhinaca shaqo-la’aanta iyo tahriibta.

Md Siciid Cali Reygal oo aanu weydiinnay cidda gacanta ku hayn doonta maamulka sanduuqan, ayaa sheegay in Gudi isku dhaf oo ka kooban qaybaha Bulshadda iyo Haay’adaha Caalamiga ah loo magacaabi doono Sanduuqa Horumarinta, isaga oo intaas ku daray in siyaasadda xukuumadda ee ku wejahan dhalinyarada ay horseedday in la hirgeliyo sanduuqan oo markii hore fekerkiisa ay si wada-jir ah madaxweynaha ugu gudbiyeen Wasaaradda Dhalinyarada iyo Dalladda SONYO.

Dhanka kale, guddoomiyaha Dalladda ururrada dhalinyarada dalka ee SONYO Mubaarik Ismaaciil Taani oo dhinaciisa aanu wax ka weydiinnay kaalinta uu dhaqaalaha sanduuqani u buuxin doono baahiyaadka kala duwan ee wakhtigan ku xeeran dhalinta dalka, ayaa si faahfaahsan u sharraxay ujeeddada laga leeyahay iyo qaabkii fekerka aasaaska sanduuqani ku dhashay.

Guddoomiyaha SONYO oo arrimahan ka hadlayey, waxa uu yidhi, ”Dallada Sonyo iyo wasaarada Dhalinyarada iyo ciyaaraha ayaa aad uga soo shaqeeyey,  door laxaad leh ayaanan dalad ahaan ka soo qaadanay, oo aan doorkii ugu badnaa ku tilmaami karo. Waayo Sanduuqa horumarinta dhalinyarada Somaliland, wuxuu ka mid yahay, Siyaasada horumarinta dhalinyarada ee qaran (National Youth Policy) oo hore golaha wasiiradu u ansixiyeendhamaan baahiyaha kala duduwan ee dhalinyartu ay qabaan.”

”Qaabka loo horumarinayana waxaa loo sii marayaa siyaasadaa qaran, si loo fuliyana waxa la sii marayaa sanduuqan horumarinta dhaliyarada (Youth Development Fund) kan. sanduuqan waxa ujeedadiisu tahay inuu sanduuq qaran noqdo, oo miisaaniyada qaranka bajad ku yeesha, boqolkiiba hal ama boqolkiiba laba , kolba intii la isla garto ku yeesha,” ayuu yidhi Guddoomiyaha SONYO.

Mr Mubaarig oo ka hadlayey muhiimadda uu sanduuqani u leeyahay dhalinyarada, waxa uu yidhi, ”Sanduuqu wuxuu noqonayaa, meel ay ka doontaan dhalinyaradu ,  hayn iyo hanti ay ganacsi ku furtaan oo iskoodna ay u shaqaysan karaan, dhalinyar badana ay shaqo ugu abuuri karaan. Wuxuu fursad siinayaa  oo sanduuqani maal-galin doonaa , meelaha dhalinyartu ay gaarka u leeyihiin.”

Mar aanu weydiinnay cidda gacanta ku haynaysa maamulka sanduuqan, waxa uu guddoomiye Mubaarig yidhi, ”Sanduuqani wuxuu noqonayaa mid madax banaan oo leh guddi maamula oo madax banaan, guddidaasi , waxay isugu jiri doonaan  ururada dhalinyarada, hayadaha caalamiga ah, gaar ahaan kuwa dhalinyarada ka shaqeeya, ganacsatada ama ururada bulshada, waxaa kaloo ku jiri doona wasaaradaha dhalinyarada ka shaqeeya.”

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories