HomeXukuumadda iyo Saddexda Xisbiga Qaran oo isla qaatay ka qayb-galka Shirka London...

Xukuumadda iyo Saddexda Xisbiga Qaran oo isla qaatay ka qayb-galka Shirka London ka dib wax-ka-beddel lagu sameeyey Qaabka ay Somaliland ku tagayso

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa, 03 January, 2012 (SLpost)- Kulan Xalay dhex maray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Hoggaamiyeyaasha Saddexda Xisbi Qaran ayaa isla qaatay in laga qayb-galo Shirka Soomaalida ee maagalada London ka dib markii madaxweynuhu u soo bandhigay in dawladda Ingiriisku wax ka beddeshay qaabka ay Somaliland uga qayb-galayso.

Waxa sidaas lagu sheegay Warsaxaafadeed uu ku saxeexan yahay Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi kaas lagu shaaciyey in Xukuumada iyo Sadexda Xisbi Qaran ay isla garteen isbeddel ay dawlada ingiriisku ku samaysay qaabkii loo tagayay shirka dabayaaqada bishan ka qabsoomi doona magaalada London kaas oo tilmaamaya in dawlada Somaliland ay shirkaas ku timaado iyada oo ka gooni ah Somalia.

War-saxaafadeedkaas oo dhammaysitiran ayaa u dhignaa sidan:-

“Shir ay Madaxweynaha iyo Sadexda Xisbi Qaran isugu yimaadeen guriga Madaxtooyada JSL xalay oo taariikhdu ahayd 3.02.2012,Madaxweynuhu waxa uu uga waramay isbeddel lagu sameeyay qaabkii shirka London ka qabsoomi doona 23.02.2012 waxaanu sheegay

  • In dawlada ingiriisku ogolaatay in dawlada Somaliland ku timaado shirkaas iyada oo ka gooni ah Somalia
  • Dawlada Ingiriisku waxay xaqiijisay in qodobka ku jira geedi socodka siyaasada (Road Map) uu gaar u yahay TFG-da iyo Gobolada hoos yimaada ,iyadoo dawlada Ingiriisku cadaysay inaanu qodobkaasi khusaynin Somaliland oo aanu shaqo ku lahayn.
  • Qodobada kale ee Ajandaha ku jira sida Amaanka Gobolka, Budhcad badeeda,Horumarinta I.W.M , Somaliland waxay kala dawladaha gobolka.
  • Shirkaasi maaha mid lagu wada hadashiinayo Somaliland iyo Konfurta Soomaliya.
  • Somaliland waxay fadhiisanaysaa meel ka duwan kana durugsan Xubnaha TFG-da iyo Gobolada hoos yimaada.”

Waxa Warsaxaafadeedka lagu sheegay in Saddexda Xisbi Qaran soo dhaweeyeen isbeddelka dawlada ingiriisku ku samaysay qaabkii shirkaas loo tagayay isla markaana waxay saddexda xisbi qaran soo dhaweeyeen hab maamuuska dawlada Ingiriisku siisay Somaliland inay shirkaas kaga qayb gasho.

Warsaxaafadeedkan uu ku saxeexan yahay Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi waxaa lagu sheegay in la isla qaatay in si wada jir ah Mucaarid iyo Muxaafidba loogu midoobo taabo gelinta Qaranka iyo Aqoonsi raadinta ,waxaa kale oo la isla qaatay in ergo ka kooban (Muxaafid iyo Mucaarid) lagu tago Shirkaas.

Gabo-gabadii waxa uu Warsaxaafadeedku yidhi Kulmiye waxa uu ugu baaqayaa Ummada Somaliland inay u midowdo nabadda, Horumarinta, Aqoonsi raadinta iyo Dhismaha dalkeena.

SOMALILANDPOST NEWS

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories