HomeXukuumadda iyo Madax-dhaqameedka Gabiley oo Xal ka gaadhay Shaqaaqo ka dhacday magaaladaas...

Xukuumadda iyo Madax-dhaqameedka Gabiley oo Xal ka gaadhay Shaqaaqo ka dhacday magaaladaas (DAAWO)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Gabiley (SLpost)- Wasiirro Xukuumadda Somaliland ka tirsan oo gelinkii dambe ee Isniinta u tegay magaalada Gabiley ee xarunta gobolka Gabiley deminta Xiisado siyaasadeed iyo kacdoon dadweyne oo ka taagnaa magaaladaas maalimihii u dambeeyey, ayaa shirar saacado badan socday oo ay la lahaayeen Madaxda Dhaqanka, Wax-garadka iyo Odayaasha magaaladaas saacado dambe oo caawa ah ku guulaystay inay is-faham gaadhaan.

IMG_0487Guddoomiyaha gobolka Gabiley Mustafe Cabdi Ciise (Shiine) oo ugu horreyn Warbaahinta la hadlay caawa saacado dambe abbaaro labadii habeennimo markay ku siqaysay saacadda Afrikada Bari, ayaa wuxu sheegay in shirarka galabta illaa caawa u socday Masuuliyiinta Xukuumadda ka socota iyo Odayaasha Dhaqanka Reer Gabiley aakhirkii ay xal fiican isla gaadheen labada dhinac.

Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha Cali Maxamed Waran-cadde oo ka mid ahaa Wasiirrada Gabiley u tegay xal u helidda khilaafka iyo kacdoonka ka taagnaa dilka laba Sarkaal oo habeenkii Arbacadii Askari Ciidanka ka tirsanaa ku dilay Tuulada Qori-lugud, ka dibna uu baxsaday iyo muddaharaad ay arrintaas ku diiddan yihiin reer Gabiley oo ay Jimcihii sameeyeen, isla markaana ay dawladdu Ciidan Hubaysan ka hor-geysay, sababayna dhimashada ilmo-yar iyo dhaawaaca 13 kale, ayaa isaguna sheegay inay ka xun yihiin Xukuumad ahaan waxa dhacay iyo sida cadawgu uga faa’iidaystay, balse uu ku faraxsan yahay inay xal ka gaadheen wax kasta oo jiray.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale oo Wasiirrada Deegaankaas u dhashay ka mid ah ee galabta meesha tegay, ayaa isaguna sheegay in farxad tahay in dadka reer Gabiley Madaxdooda Dhaqanka iyo Xukuumadda oo ay iyagu metelayaan iyagoo ka tiiraanyeysan dilka hore, shaqaaqada Muddaharaadka ka dhalatay iyo Maxbuus isku dayey inuu Ciidanka ka baxsado gelinkii hore ee ISniinta oo ka dibna rasaas ay ku fureen ku dhintay ay haddana heshiis buuxa iyo is-afgarad ku gaadheen inay wada-jir wax u wadaan oo aanu cadawga Somaliland arrimo kale iyo dano siyaasadeed uga faa’iidaysan xiisadahaas oo la soo afjaray sida uu xusay Samaale.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories