HomeXukuumadda iyo Golayaasha Sharci-dejinta Oo Isku Maandhaafsan Lacagta Laga Qaado Dadka Qaadanaya...

Xukuumadda iyo Golayaasha Sharci-dejinta Oo Isku Maandhaafsan Lacagta Laga Qaado Dadka Qaadanaya Taarikada Cusub Ee Gaadiidka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost) Xukuumadda Somaliland ayaa ku adkaysanaysa qaaddidda lacagta lixda boqol ee kun ah ee laga qaadayo dadka bedelanaya Taarikada kuwaas oo qaadanaya nashqada cusub ee xukuumadda madaxweyne Biixi samaysay. Baarlamaanka gaar ahaana Golaha Wakiillada oo miisaaniyadda ka reebay qaadista lacagtan ayaa si adag ugu sheegay xukuumadda in aanay lacagtaasi qaadin kadib markii ay dhawaan soo baxday in xukuumaddu qiimo dhimis u sameysay dadka qaadanaya inta u dhexeysa Maarij iyo Juun.

Wasiir Cabdilaahi Abokor oo hortagay Golaha Wakiillada iyo Arrimo laga waraystayGuddida Dhaqaalaha, Maaliyadda iyo Ganacsiga ee Golaha wakiillada, ayaa Salaasadii kulan la qaatay wasiirka gaadiidka iyo jidadka Mudane Cabdillaahi Abokor Cismaan waxaanay si adag guddidu si adag ugu sheegtay wasiirka in aan la sii wadin qaadista lacagtan sida lagu sheegay qoraal lagu daabacay bogga golaha oo laga soo saaray kulanka laakiin, wasiirka oo kulanka kadib saxaafadda la hadlay wuxuu sheegay in aanu goluhu xaq u lahayn laalidda shaqo socota.

Kulankan ka dhacay xarunta Golaha Wakiillada Somaliland,oo uu guddoominayay Guddoomiye Ku-Xigeenka Guddiddaas Maxamuud Axmed Obsiiye, ayaa qoraal laga soo saaray oo lagu daabacay bogga Golaha Wakiillada lagu yidhi “Guddida ayaa si adag wasiirka ugala hadashay inay joojiyaan Lacagta 600 ee kun ah ee ay qaadayaan Taarikada cusub maaddaama Goluhu hore u laalay sharcinimadeeda markii miisaaniyadda la ansixinayay, isla markaana waxay guddidu wasiirka indhaha u saartay Go’aankii golaha iyo Lifaaqyadii Miisaaniyadda ku lamaanaa kuwii la laalay iyo kuwii la ansixiyey in la qaado.”

Qoraalka guddidu ka soo saartay kulanka ayaa lagu sheegay in wasiir Cabdillaahi Abokor arrinta isaga riixay wasaaradda maaliyadda “Wasiirka ayaa Guddida u sheegay inaanay wasaaraddiisu arrintan ka warhaynin isla markaana ay guddidu wasaaradda maaliyadda kala xidhiidho arintan,” Sidaas ayaa lagu sheegay qoraalka guddida ka soo baxay.

Hase ahaatee wasiirka oo wariyeyaashu markii uu kulanka ka baxay waydiiyeen sharcinimada lacagtan baarlamaanku hore u laalay ayaa sheegay in aanu Goluhu laali Karin shaqo socota :“Horta shaqo lama laalo, waa shaqo weeyaan , waxaana waajibinaya xeer 56, 2013 qodobkiisa 48-aad ,markaa shaqo la laalayaa ma jirto Awood uma laha Baarlamaanku inuu laalo shaqo socota , laakiin awood wuxuu u leeyahay inuu wax naga weydiiyo tacriifadda taana waanu ka wada hadalnay.”Ayuu yidhi Wasiir Abokor .

Lacagtan ayaa ah Tacriifad wasaaradda Gaadiidka iyo horumarinta Jidadku abuurtay una gudbisay wasaaradda maaliyadda laakiin, Goluhu ku daray tacriifado aanu ogolaan oo laga reebay miisaaniyadda 2019.

Muwaadiniinta ayay wasaaraddu u qorshaysay in ay muddo lix bilood ah si iskood ah u bedeshaan taarikada waxaanu wakhtigaasi kaga eeka bishan Maarij waxaanay wasaaraddu dhawaan shaacisay in ilaa bisha June qiimo dhimis loo sameeyay dadka aan wali bedelan mudddadaasna ay ku bedeshaan.

Arrintan ayaa hadal hayn badan ka abuurtay in wasaaraddu tacriifado waajibiso marka ay doontana qiimo dhimis u sameyso taas ayayna u muuqata in ay keentay kulanka baarlamaanku la qaatay wasiir Cabdillaahi Abokor oo u muuqda in aanu ku qancin dalabka guddida.

Qodobka sharci ee wasiirku cuskaday ayaa ku saabsan samaynta taarikada laakiin, kama hadlayo lacagta ama tacriifadda oo ah tan muranku ka taaggan yahay waxaana sida caadiga ah xalaaleeya tacriifadaha golaha wakiillada.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories