HomeXukuumadda iyo Baarlamaanka Somaliland Oo Ka Shiray Xiisadda ka taagan Laascaanood

Xukuumadda iyo Baarlamaanka Somaliland Oo Ka Shiray Xiisadda ka taagan Laascaanood

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Guddida Wasiirada ah ee u xilsaaran nabadgelyada Magaalada Laascaanood iyo xubnaha Xildhibaanada Golaha Wakiilada ee Gudoomiye Kuxigeenka Koobaad ee Golaha Wakiiladu u magcaabay ka soo talo-bixinta Magaalada Laascaanood ayaa kulan muhiim ah yeeshay.

Shirkan oo ka qabsoomay Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed oo shir gudoomiyey kulankan, ayaa lagaga wadahadlay dagaalka iyo duulaanka lagu soo qaaday Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, wuxuu warbixin buuxda Xildhibaanada ka siiyey xaaladda Magaalada Laascaanood bilow ilaa dhamaad, isagoo Wasiirku uga waramay Xildhibaanada marxaladii iyo kulamaddii ay nabad ku raadinayeen weftiga Wasiirada ahi mudadii ay joogeen Magaalada Laascaanood.
Sidoo kale xubnaha Golaha Wasiiradu waxay Xildhibaanada uga warameen kulamadii dhexmaray Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdirisaaq Khaliif Axmed iyo Wefti Wasiirada ah ee uu Hogaaminayey Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha mudadii ay joogeen Magaalada Laascaanood.

Kulankan Wasiirada iyo Guddida Xildhibaanada Golaha Wakiilada ayaa ku soo dhamaatay is faham, iyadoo isla qaatay in laga wada shaqeeyo difaaca Qaranka iyo kor u qaadista wada shaqaynta Xukuumadda iyo Golaha Wakiilada.

Xubnaha Wasiiradda
1- Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed.
2- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyi-gelinta Salebaan Yusuf Cali Koore
3- Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Cabdiqani Maxamuud Caateeye (Fariid).
4- Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo horumarinta Kaluumaysiga Siciid Sulub Maxamed.
5-Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Salebaan Warsame Guuleed.
6- Wasiirka Wasaaradda Gaadiid iyo Horumarinta Jidadka Cabdirisaaq Ibraahim faarax.

Xubnaha Xildhibaanada
1- Xil: Axmed Cabdi Ibraahim (Timo Jilic), Gudoomiye.
2- Xil: Axmed Muuse Jaamac.
3- Xil: Xuseen Ismaaciil Jaamac.
4- Xil: Cabdirsaaq Yuusuf Cismaan.
5- Xil: Cabdilaahi Yuusuf Axmed.
6- Xil: Cali Xuseen Nuur.
7- Xil: Maxamed Xasan Siciid.
8- Xil: Cabdillaahi Muuse
9- Xil:Axmed Cabdi Ibraahim.
10-Xil: Barkhad Jaamac Batuun.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories