HomeXukuumadda Iyo Axsaabta Mucaaradka Ah Oo Gaadhay Heshiis Hordhac Ah

Xukuumadda Iyo Axsaabta Mucaaradka Ah Oo Gaadhay Heshiis Hordhac Ah

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa, (SLpost)- Sadexda Xisbi Qaran ee Somaliland ayaa maanta uu u furmay wada-hadal ku wajahan xal u helista khilaafka siyaasadeed ee ka dhashay muddo kordhinta xukuumadda iyo golaha wakiilada.Xisbiyada

Wada hadaladan oo gogoshooday ay hore xukuumaddu ugu baaqday ayaa waxay dhex marayaan xisbiyada Mucaaradka ah ee WADDANI iyo UCID iyo xisbiga talada haya ee KULMIYE oo matalaya xukuumadda, waxaanu furitaankii shirkaas guddoominayay madaxweyne ku-xigeenka Cabdiraxmaan Saylici.

Waxaa ergada dhinacyada kala hogaaminayay, Muuse Biixi Cabdi oo matalaya xisbiga talada haya,  Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillahi (Cirro) Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee WADDANI, iyo Gudoomiyaha   xisbiyada mucaaradka ee UCID Faysal Cali Waraabe.

Ugu horeyn Madaxweyne ku-xigeenka oo furay oo shirkaas ayaa waxa uu yidhi.  “Waxaanu maanta halkan isugu nimi shirkii aanu ku ballanay ee aanu ku baaqnay haddaanu nahay xukuumadda oo ahaa in saddexda xisbi qaran ay ka wada hadlaan, kana wada-tashadaan hawshii muddo kordhinta ee guurtidu ay samaysay.”

Ka dhawr saacadood oo ay soconayeen wada-hadallo ay al-baabbadu u xidhnaayeen ayaa guddoomiyaha xisbiga talada haya ee KULMIYE, guddoomiyaha xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa saxaafadda u sheegay inay isku af-garteen ajandaha wada-hadalka, waxaanu xisbi weliba muddo laba maalmood ah uu yeelan doonaa wada-tashi u gaar ah, iyadoo wareeg kale la iskugu soo noqon doono maalinta sabtida ee todobaadka dambe.

Ugu horeyn Muuse oo ka hadlaya natiijada shirkaasi waxa uu yidhi: “Maanta sidii aad ka war qabteen waxaanu galnay shirkii saddexda xisbi qaran ay kaga wada-hadlayeen arrinta dibu dhaca doorashooyinka, kaasoo uu guddoominayay madaxweyne ku-xigeenku, maanta bilaw buu ahaa shirku markaanu arrimihii isla eegnay, waxaanu ku heshiinay ajandihii shirka iyo sidaanu u guda gali lahayn, anagoo si walaaltinimo ah oo niyad-sami ah, waxaanu ku heshiinay in ajandaha shirku uu noqdo in arrintaa qolaba meel iska taagtay ee dibu dhaca doorashooyinka aanu u helno xal siyaasi ah oo saddexda xisbiba ku qancaan oo ku heshiiyaan.”

Guddoomiyaha WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa isna waxa uu yidhi. “Sidaad ka war qabteen maanta waxaanu nimi gogoshii ay xukuumaddu dhigtay, markii aanu isu nimi waxaanu ka doodnay waxa laga wada-hadlayo, waxaanu noqday khilaafka ka dhashay go’aanka muddo kordhinta ee golaha guurtida Somaliland, axsaabtu meelo kala duwan ayay joogeen, laakiin waxaanu isla garanay in xal siyaasi ah la raadiyo.”

Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa isna waxa ka mid ahaa hadalladiisii.

“Waxaad ogtihiin haddaanu UCID nahay labadan xisbi ee kale waa loo kordhiyay, waanay daafacayeen mawqifkoodii. Sidaa darteed waxaanu garanay inaynu xal doono.”

Somalilandpost.net

 

 

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories