HomeXukuumadda Ingiriiska oo walaac xooggan ka muujisay Noocyada Hilibka ay iibiyaan Meheradaha...

Xukuumadda Ingiriiska oo walaac xooggan ka muujisay Noocyada Hilibka ay iibiyaan Meheradaha cuntooyinka Fudud

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

London (SLpost)- Raysal-wasaare-xigeenka dalka Ingiriiska Nick Clegg ayaa werwer weyn ka muujiyey meheradaha cuntada fudud ee dalkaa oo qaarkood lagu iibiyo kebab laga sameeyey hilibka jiirka.

Sida lagu baahiyey wargeyska Independent, Mr. Clegg ayaa hadalkan jeediyey ka dib markii ay soo baxday warbixin hay’adda tayada cuntada ee dalkaasi ka soo saartay baadhis ay ku sameeyeen hiliba solayga ah ee meheradaha cuntooyinka fudud sameeyaan, kuwaas oo ay ugu badan yihiin hilibka lo’da oo ka qaalisan hilbaha kale ee solayga ah ee ay ka mi dyihiin digaagga. Waxaana baadhistan lagu ogaaday inay jiraan hilbo kale oo shaki laga muujiyey noocooda.

cleggkebabBaadhistan ayaa lagu ogaaday inay beddeleen hilibka lo’ada, hilbo kale oo noocooda la garan-waayey, ka dib markii laga shakiyey sababta ay meherada qaarkood qiimaha jaban ugu iibiyaan cuntooyink Kebabku ka mid yahay, halka qaar kale aanu qiimahoodu waxba iska beddelin.

Raysal-wasaare xigeenka Ingiriiska oo la weydiiyey in werwerkiisu la xidhiidho hilibka bisadaha, eyda iyo jiirka ee ka muuqda cuntada kebaabka ee baadhistu soo saartay, ayaa lagu ku jawaabay, “Werwer weyn ayuu leedahay hilibkaasi. Waxaan ka filayaa saraakiisha caafimaadku inay hoos u eegaan arrinkan,” ayuu yidhi.

Warbixinta hay’adaha tayada cuntada ayaa lagu sheegay in 60 Nooc oo Cuntada ka kooban hilbaha la solay baadhitaan ku sameeyeen lagu ogaaday in 29 ka mid ah shaki lahaayeen, 17 ka mid ahna hilib aan hagaagsanayn ku jiray, halka inta soo hadhayna hilbaha ku jira nooca la caddeyn kari waayey.

Cuntada kebaabka oo badi laga sameeyo hilibka lo’da oo qaali ah awgeed, ayaa la sheegay in meheradaha cuntooyinka fudud bedelkooda isticmaalaan hilib raqiis ah.

 

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories