Home“Xukuumadd Ahaan Waxa Naga Go’an In Ay Doorashada Madaxtooyadu Ku Qabsoonto Wakhtigii...

“Xukuumadd Ahaan Waxa Naga Go’an In Ay Doorashada Madaxtooyadu Ku Qabsoonto Wakhtigii Loo Cayimay” Madaxweyne Siilaanyo

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

(SL.Post) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa sheegay in Hawsha qaybinta Kaadhadhka Cod-bixinta doorashada ee ka bilaabantay gobollada Awdal, Saaxil iyo 12 goobood-diiwaangelineed oo ka tirsan Dhulka Xeebaha ah ee gobolka Sanaag iyo hawsha Gurmadka Dadka Abaaruhu tabaaleeyeen ay kamid yihiin tallaabooyin dhinaca horumarka qarannimada ah oo hore loo qaaday. Waxa uu Madaxweynuhu  sheegay inay tahay horumar iyo guul Somaliland u qaadday dhinaca geeddi-socodka dimuquraadiyadda iyo hannaanka doorashooyin Xor ah oo ka hirgala dalka Somaliland mustaqbalka dhaw.

 

 

silanyonew

 

 

 

 

 

 

War-Saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada oo uu Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed-Siilaanyo arrimahaas kaga hadlay, ayaa u dhignaa sida:-

“Milgo iyo maamuus weyn bay ii tahay in aan maanta [shalay] idiin soo gudbiyo, farriin xambaarsan muhiimadda qaadashada kaadhka cod-bixinta oo dalka ka bilaabmi doonta 29-ka, bisha April, 2017-ka, Eebe idamkii. Qaybinta kaadhka codbixinta doorashada madaxtooyadu, waa gallad eebe iyo guul u soo hoyatay guud ahaan Qaranka Somaliland. Waa horumar iyo guul loo qaaday dhinaca geedi-socodka dimuqraadiyadda iyo hannaanka doorashooyinka xorta ah ee ka tisqaaday geyi-geenna hooyo. Sidaa darteed, waxaan ugu baaqayaa Shacbi-weynaha Somaliland inay qaataan oo xil weyn iska saaran in qof walba oo muwaadin ahi helo aqoonsigiisa codbixiye. Innaga oo xog-ogaal u ah oo dareensan xaaladda ba’an ee abaaraha dalka ka taagan, kuna hawlan dardargelinta gurmadka bulshadeena abaaruhu samaayeen, (waxaynu Ilaahay ka baryaynaa inuu abaarta inaga soo jebiyo, insha Allaahu). Waxaan ku rajo-weynahay inaynu nahay dal iyo dad isku wadi kara hawlaha gurmadka abaaraha ee dadkeena tabaalaysan iyo qaadashada kaadhka codbixinta. Xukuumad ahaan, waxa naga go’an in ay doorashada madaxtooyadu ku qabsoonto wakhtigii loo cayimay ee 13, November, 2017-ka, ee waxaan leeyahay halloo diyaar garoobo. Shacbi-weynaha Somaliland waxaan ku dhiiri-gelinayaa ilaalinta nabadgelyada, gurmadka abaaraha iyo horumarka dalka.”

 

Wa-bilaahi Tawfiiq.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories