HomeXukuumada,Golayaasha,Shaqaalaha Dawlada Iyo Ciidamada Oo Dhamaantood Mushaharkooda La Go'aamiyay In Wax Laga...

Xukuumada,Golayaasha,Shaqaalaha Dawlada Iyo Ciidamada Oo Dhamaantood Mushaharkooda La Go’aamiyay In Wax Laga Jaro Si Dadka Abaaruhu Saameeyeen Gargaar Loogu Fidiyo

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa(SLpost)-Fadhigii 191aad ee Golaha Wasiirada Somaliland oo uu gudoominaayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa maanta oo khamiisa sidii caadada ahayd ku qabsoomay hoolka shirarka ee Madaxtooyada kulankaas oo lagu Ansixiyey in Laamaha Dawladda laga jaro qaadhaan lagu kaabo xaalada abaaraha ee dalka ka jira.

DSC_0012

waxaana shirku xooga aad u saaray qodobka abaaraha oo wakhtigan taagan madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ahna gudoomiyaha Guddida Abaaraha oo madaxweynaha shirka ku wehelinaayey, ayaa warbixin ka jeediyey shirkaas isagoo xusay in ay abaarihii sii baahayaan oo ay ku fidayaan dhul aanay hore u gaadhin oo horleh, hadii aan degdeg raxmaadka ilaahay inoogu imana ay arrintu sii adkaanayso, sidaasi awgeedna loo baahan yahay gurmad degdeg ah in loo galo waxka qabashada xaaladaa abaaraha, waxna loo gaadhsiin lahaa dadkaa iyo Duunyadaa tabaalaysan.

Madaxweyne ku xigeenku waxa kale oo uu sheegay in ay durba soo xeroodeen qaadhaan ka yimid shirkadaha ganacsiga ah ee wadanigaa qaarkood, halka kuwo kale oo shirkadaha ganacsiga ahna uu qaadhaankoodu jidka ku soo jiro dhawaana ay filayaan.

Falanqayn dheer iyo xog waran ku saabsan xaalada abaaraha ka dib waxa laysla qaatay go’aamadan qadhaan ururintaa oo ay golaha wasiiraduna cod gacantaag ah ku ansixiyeen.

In Xubnaha Saddexda golle Qaran ee Dalka iyo Madaxda Hay’addaha Dawladda ee Madaxa banaan ay bixiyaan 20% Mushaharkooda oo loo kala qaybiyo labada bilood ee February iyo March 2016.

In shaqaale weynaha Dawladda laga jaro 10% Mushaharkooda sidoo kalena loo qaybiyo labada bilood ee February iyo March 2016.

Ciidamada kala duwan ee qaranka in laga jaro 5% Mushaharkooda loona qaybiyo labada bilood ee February iyo March 2016.

ALLAA MAHAD LEH

Cabdiraxmaan Sh. Cilmi Fahiye (Shamax)

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories