HomeXukuumada Somaliland oo Shaacisay inay Bilowday Wejiga 1aad ee Dhismaha iyo Dayac-tirka...

Xukuumada Somaliland oo Shaacisay inay Bilowday Wejiga 1aad ee Dhismaha iyo Dayac-tirka Waddada Isku Xidha Hargeysa Ilaa Berbera

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Xukuumada Somaliland ayaa shaaca ka qaadday inay si rasmiya u bilowday wejiga hore ee dhismaha iyo hagaajinta jidka laamiga ah ee isku xidha magaalooyinka Hargeysa ilaa Berbera, kaas oo dayac-tirnaan la’aan in muddo haysatay ay sabab u ahayd shilal joogto, khasaare nafeed geystaana, ay inta ka dhacaan.

Hirgelinta mashruucan oo ay fulinayso Hay’adda Waddooyinka Somaliland, ayaa noqonaya wejiga koowaad ee dayac-tir lagu samaynayo jidka Berbera ilaa Hargeysa, gaar ahaan marka tuulada Halleeya hal KM loo dhaafo dhinaca Berbera , taas oo wejiga 1aad lagu dhisi doono 10-KM oo heer caalami ah, halka wejiga 2aad-na lakabyo fudud la saari doono laamiga, isla markaana gododka waddada ku buux-buuxin doonaan.

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Md.Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ay wehelinayeen Wasiir kuxigeenka Amniga ee Wasaarada Arrimaha gudaha iyo Amniga Md. Cabdilaahi Abokor, Wasiiru-dawlaha Wasaarada Madaxtooyada Md.Maxamed Muuse Abees, Xoghayaha Dawlada Hoose Mawliid Aadan Weris iyo masuuliyiin kale, ayaa maanta kormeer ku tagay goobta hawsha dhismuhu ka socoto, waxaana hawsha dib-u-dhiska ah fulinaysa Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka ‘Road Development Authority’ (RDA) oo kaashanaysa shirkadda China Horn Group ee hore qan-daraaska loogu siiyey dib-u-casriyeynta Madaarka Hargeysa.

XIRSIWasiirka Wasaarada Madaxtooyada Somaliland Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan oo warbaahinta kula hadlay goobta hawsha dhismaha waddadaasi ka socoto, ayaa sheegay inuu ku faraxsan-yahay inay bilaabaan dhismaha waddada isku xidha Hargeysa ilaa Berbera, waxaanu yidhi, “Waxaanu ku faraxsanahay inaan bilowno waddada isku xidha Hargeysa ilaa Berbera oo ah waddo aad loogu baahan-yahay oo qaranka Somaliland muhiimad badan u leh, waana waddo ay maraan ugu yaraan 1,250 gaadhi maalintii, waana waddo muhiimad u leh isku xidhka dalka oodhan, waana waddo isku xidha Caasimada iyo Dekedda Berbera.”

“Waxaanu waddadan daraaseynaynay in muddo ah sidii loo qorsheyn lahaa qaabkeeda, waxaanu wejiga koowaad ugu talogalnay 10-KM oo dib-u-dhis lagu sameynayo iyo 10-KM oo kale oo Leeyar (Lakab) fudud dusha laga saari doono iyo inta kale oo godadka la buux-buuxinayo. Ma joojinayno dhismaha waddooyinka, laakin waxa naga koobnaa kharashka, wejiga labaadna waanu wadaynaa,”ayuu yidhi Wasiirka Madaxtooyadu.

Wasiirku waxa kale oo uu yidhi, “Waxa hamigayagu iyo himiladayadu tahay inaanu laami si qurux badan u dhisan ilaa Berbera sameyno oo aad arki doontaan haddii ILAAHAY yidhaahdo. Wakhti ayey qaadanaysa oo kharash ayey u baahan tahay, laakiin qorshaheeda ayaan la nimi, dedaalkeedana waan la imanaynaa, wixii lagu tabcana waa la gaadhaa.”

Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan waxa uu sheegay inay doonayaan sidii waddooyinka dalka Somaliland oo dhan loo dhisi lahaa, isla markaana uu u maqan yahay qalab wax badan ka tari doona, “Qalab ayaa noo maqan, qalabka aanu imika hayno iyo kharashkayaga ayaa intan ku kooban, laakin waxaanu rajeynaynaa in waddooyinka dalka oodhan sidan oo kale loo dhiso,” ayuu yidhi Wasiir Xirsi.

“Waynu gaadhi doona in laamida isku xidha Hargeysa iyo Berbera oo sidan quruxda baddan u dhisan oo kale iyo laamiyada dalka oodhan-ba, waxna weynu qabsan karnaa, waxna weynu horumarin karnaa haddii aynu la nimaadno niyadsamideedii, isku duubnideedii, iyo dedaalkii la nimaadno, waxaana naga go’an inaanu gelino tacab iyo dedaal wixii awoodayada ah, Insha Allaahu waynu gaadhi doona maalin maal-maha kamida in laamida isku xidha Hargeysa iyo Berbera oo sidan quruxda badan u dhisan oo kale iyo laamiyada dalka oodhan-ba,” ayuu yidhi Wasiirka Madaxtooyadu, waxaanu intaas ku daray hadalkiisa, “Laamiyadu way dheer yihiin waxa lagu qiyaasa ilaa 770-KM marka laga soo bilaabo Dilla halka ay waddadu ku joogtey inta cusub ee ay dawladu ku dartey mooyaane ilaa iyo inta uu xadku ku joogo ee Laascaanood inta laamigi ah, waana inta kaliya ee  isku xidhka laamiya ee dalku leeyahay.Waxa qorshahayagu uu yahay intii laami ahayd ee isku xidhneydna aanu laami hagaagsan ka dhigno, inta kalena aanu ku dedaalno inaanu laamiyo cusub ka dhisno.”

Mar wasiirku ka hadlayey kharashka ku baxaya dhismaha 10-ka KM ee waddada Berbera ilaa Hargeysa, waxa uu yidhi, “Laamidan aad arkaysaan waanu qiimaynay Miter isku weerku waxa uu noqonayaa $ 15.5 Dollar, qofkasta oo muwaadin ahi wuu bixin karayaa, wax ayeynu qabsan kareynaa oo wax tayo leh ayeynu sameyn karnaa, waxaananu aad iyo aad ayaan ugu baaqaynaa bulshada inay ka qeybqaataan dhismaha waddooyinka,” ayuu yidhi Wasiirka Madaxtooyada Somaliland.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories