HomeXukuumada Somaliland Oo Gaashaanka Dhufatey Heshiis Dawlada Soomaaliya La Gashay Shirkad Ammaanka...

Xukuumada Somaliland Oo Gaashaanka Dhufatey Heshiis Dawlada Soomaaliya La Gashay Shirkad Ammaanka iyo Tayaynta Ciidamada Xeebaha Qaabilsan

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)-Xukuumadda Somaliland ayaa gaashaanka ku dhufatey inaanu wax saameyn ah ku yeelan karin Biyaha Baddaha Somaliland, heshiiska dawlada Soomaaliya kula  gashay baddeeda inay ku wareejiso shirkada ajanebiga ah ee la yidhaahdo Atlantic Marin and Of Shore Group,isla markaana ugu baaqday Ciidamada ilaalada Xeebaha Somaliland inay feejignaan gaara ka galaan sugida biyaha badda Somaliland.

Sidaa waxa uu ku sheegay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Kalluumeysiga iyo khayraadka baddaha Somaliland Maxamed Cilmi Aadan (Ilkacase) oo u waramayey Weriye Mustafe-Jannaale, waxa uu ka hadlay hadii ay jirto saamayn heshiiskaasi ku keeni karo Somailand, waxaanu yidhi, inuu wax saameyn ah ku yeelan karo Biyaha Badda Somaliland, waxa uu ku jawaabay oo uu yidhi “Waxaanu caddeynaynaa inaanay Somaliland wax saameyn ah ku yeelanayn,isla markaana aanu u sheegayno bulshada caalamka iyo shirkadda laftigeeda heshiiska ay la galeen qoladaasi ay tahay Soomaaliya oo ay iyaga u taallo, laakin dawlada Somaliland waxay masuul ka tahay xuduudeeda Baddeed iyo cireedba oo sugan, markaa wax saameyn ah oo heshiiska dawlada Soomaaliya la gashay shirkaasi  wax saameyn ah oo ay nagu yeelanayso ma jirto”

AGAASIME ILKACASEAgaasime Ilkacase oo ka hadlayey Dakhliga ay lix biloodkii hore soo saartey waxa uu yidhi  “Lix biloodkii hore ee tagay waxay wasaaradu dakhli soo saartey oo ay qabatey Wasaarada maaliyadu 100742 (Boqolkun todoba boqol iyo laba iyo afartan Dollar) oo ka soo xarooday sadexda gobol ee kala ah Saaxil, Salal iyo Sanaag waana dakhli ka soo xarooday Kalluumeyisga. Waxaan u baxnay safaro dibada oo aan ku tagnay waddamada Tunisia, Ethiopia, Jabuuti, iyo France intaas oo dal ee aan soo marnay waxaan kala hadalnay xidhiidhka Kalluumeysiga”

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Waxaanu qabanay todoba tababar oo aan u qabanay shaqaalahayaga iyo Kalluumeysatada waddanka, waxaanu u soo wareegnay dhismihii cusubaa ee wasaarada,waxaanu hagaajinaynaa xarumihii Wasaarada Kalluumeysiga ee gobolada dalka, waxa kale oo aanu wadnaa wacyigelintii Kalluumeysiga, waxa kale oo aanu wadnaa xidhiidhkii iyo mashaariic furistii, markaa meel fiican ayey wax noo marayaan. Markaa mashruuci dawladu balanqaaday ee ka mid ahaa mashaariicda horumarinta Kalluumeysiga ee sanadkan, hore ayaanu u bilaabaynaa”.

Md. Maxamed Ilkacase oo aanu weydiinay waxa u qorsheysan inta sanadkan ka hadhay ee ay doonayaan inay qabtaan waxa uu yidhi “Markaa qorshahayaga inta sanadkan (2013) ka hadhay waxa weeyaan inaan dardargelino wax soo saarka waddanka, imika waxa lagu jira Bad xidhankii oo marka laga baxo bad xidhanka waxaan isleenahay Shirkadaheeni Kallumeysiga iyo Kalluun wax soo saarku waa inuu kor u kacaa,taasna waxa kor u qaadaysa mashaariicda dawlada Somaliland laftigeeda, Baanka Adduunka iyo midowga Yurub-ba ay ku taageerayaan Kalluumeysatada iyo dawlada Turki-ga oo aan mashaariicdeedii sugeyno oo aan gacanta ku hayno. Markaa aanu waxaas oo dhan isku wada darno Kalluumeysigu aad ayuu u horu-marayaa. Waxa jira shirkado Kallumeysi oo aad iyo aad u wanaagsan oo guul-weyn ka soo hooyey Kalluumeysiga”.

“Ciidamada ilaalada Xeebaha Baddaha Somaliland waxaanu ku adkaynaynaa inay galaan feejignaan dheeraad ah, oo ay baddeena ilaaliyaan, Maraakiibtii shisheeye ee baddaha Somaliland ka Kalluumeysan jirey waynu saarnay, laakin Yementa oo ah cadowga kowaad ee Somaliland leedahay oo Doonyo ay leeyihiin faro baas ku hayaan Kalluunka in culeys la saaro, isla markaana aanu xaqiijino shirkada dawlada Soomaaliya heshiiska Badda lagashay inaanay baddeena masuul ka noqon Karin.

Somalilandpost.info

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories