HomeXukuumada Somaliland Oo Furtay Shaqaalayntii Ugu Badnayd Iyo Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Oo...

Xukuumada Somaliland Oo Furtay Shaqaalayntii Ugu Badnayd Iyo Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Oo Bilowday Xulida 954 Kaalmo Shaqo Oo Kasoo Baxay Wasaaradda Waxbarashada

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Hay’adda shaqaalaha Dawladda ee Somaliland md Sharmarke Axmed Muxumed Geele oo ay weheliyaan masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashadda Somaliland ee Wasiir Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), wasiir ku xigeenka waxbarashadda md Cabdiqaadir (Dhega-weyne) iyo guddida hay’adda qaalaha dawladda, ayaa si rasmi ah waxa loo shaaciyey  shaqaalayntii ugu badneyd ee hay’adda shaqaalaha dawladdu si  daahfuran ugu xuli doonto 954 Kaalmo Shaqooyin kuwaasi oo ka soo baxay kana banaanaaday Wasaaradda Waxbarashada.

Guddoomiyaha hay'adda shaqaalaha dawladda iyo masuuliyiinta wasaaradda waxbarashadda iyo Sayniska SomalilandShirkan Hay’adda shaqaalaha dawladda iyo wasaaradda waxbarashadda iyo Sayniska Somaliland, ay Hargeysa ku qabteen, waxa ka soo qaybgalay Guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda md Sharmarke Axmed Muxumed Geele oo ay weheliyaan masuuliyiinta wasaaradda waxbarashadda iyo Sayniska ee kana mid ahaayeen Wasiir Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), madaxda kale ee wasaaraddaasi iyo guddida hay’adda shaqaalaha dawladda, waxaana halka si lagaga dhawaaqay in si rasmi ah loo furay shaqaalaynta iyo tartan loo geli doono 954 boos oo shaqooyin wasaaradda waxbarashadda ka banaanaaday oo cidii shaqooyinka daneynaysa ee shuruudaha looga baahan yahay buuxin karta ay codsan karaan shaqooyinkaasi, waxaana dhinaca kale hay’adda shaqaalaha iyo wasaaradda Waxbarashaddu kala direen kooxo ka kala socda labadaasi hay’addood ee dawliga ah kooxahaasi oo kormeer iyo qiimeyn ku soo sameyn in ka badan 1,000 dugsiyadda waxbarashadda ee dawliga ah oo xaalada macalimiinta loo kuurgeli doono.

Md Sharmarke Axmed Muxumed Geele oo tafaasiil ka bixiyey  daahfurka shaqooyinka 954 shaqo ee wasaaradda waxbarashadda ka banaanaaday iyo kooxo ay u kala direen goboladda dalka oo xaaladda macalimiinta dugsiyada dawladda ee dalka kormeer iyo u kuurgal ku soo sameyn doona.

Kulanka kaddib, war-qoraal kooban oo guddoomiye Sharma’arke Geelle ka soo saaray Arrintan iyo qorsheyaal kale oo xukuumaddu ku hirgelinayso shaqo-abuur kala duwan, ayaa u dhignaa sidan:-

3“Kadib Markii Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu joojisay 1,626 Kaalmo shaqo oo ka soo baxay 41 xafiis oo dawladeed ayaa Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu  bilowday hannaankii loo buuxin lahaa kaalmahaa shaqo ee soo banaanaaday.

-Si taas lamid ah, Wasaaradda Waxbarashada JSL oo ay markii hore diiwaanka mushahar bixinta ugu jireen 6,448 oo shaqaale,  ayaa waxaa ka soo dhex baxay 954 kaalmo shaqo oo dadkii markii hore ku mushahar qaadan jiray aanay joogin/jirin halka 672 kaalmo shaqo-na ka banaanadeen Wasaaradaha iyo Hay’adaha kale ee dawladda

-Haddaba, Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu iyaga oo fulinaya tallada Madaxweynaha JSL sida oo kalena qiimaynaya duruufaha gaarka u ah Wasaarada Waxbarashada ee keeni kara in marka macalin shaqada ka tego lagu sii buuxiyo kaalintaa shaqo macalin buuxin kara kaalintaa banaanatay ayaa la isla qaatay in degdeg loo shaqaaleeyo kaalmahaa shaqo ee kasoo baxay Wasaaradda Waxbarashada si aanay u kala go’in waxbarashadii ardayda dalku.

-Si taas looga jawaabo, waxa maanta u kala baxay dhammaan gobolada iyo degmooyinka dalka wafti ka kooban Hay’adda Shaqaalaha Dawladda iyo Wasaaradda Waxbarashada si loo soo kormeero in ka badan kun (1000) dugsi oo isugu jira hoose/dhexe iyo sare oo dawladdu leedahay sii loo soo hubiyo macalimiinta ku sugan ee dheef la’aanta ugu shaqeeya ardayda

-Tallaabadan ayaa u horseedi doonta macalimiin in badan rejo sugayaal ahayd in ay helaan fursad shaqaalayn hadii ay joogaan isla markaana buuxiyaan shuruudaha looga baahan yahay macalinka tolmoon.

-Dhanka kale, waxa si buuxda loo soo ogaan doona tirada dhabta ah ee macalimiin bilaa gunno ah ku sugan dugsiyada dalka si qorshe degdeg ah looga yeesho

-Kormeerkan xog raadinta iyo Shaqaalaynta isugu jira ayaa ku soo dhamaan doonaa mudo 14-casho ah halkaas oo kadib la bilaabi doono baahinta 672 kale ee kalamo shaqo kuwaas oo loo geli doonno tartan furan dhamaaan gobolada dalka

-Ugu dambayn, tallaabadan ayaa bilow u noqon doonta furitaanka shaqaalaynta dalka iyo tartamo badan oo fursad u noqon doonta dhalinyarada dalka ee u heelan in ay qarankooda u shaqeeyaan.

Somaliland waxa ay cagta saaraysaa jidka daah-rognaanta iyo dawlad wanaaga oo ku dhisan CILMI iyo CADDAALAD.” Sidaas ayuu yidhi Md Sharma’arke Geelle.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories