HomeXukuumada Somaliland Awood Sharci bay U Leedahay Wareejinta Kiraynta...

Xukuumada Somaliland Awood Sharci bay U Leedahay Wareejinta Kiraynta Hantida Qaranka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Somaliland oo maanta 25 jirsatay  waxay leedahay awoodaha sharci kuwaas oo  inoo ah marjac aynu  u noqono islamarkaana aynu ku dhaqano , dastuurkeena waxaa loo codeeyey sanadkii 2001-dii xiligaasi oo dadka reer Somaliland u codeeyeen 97%, dhawr iyo labaatankaa sano ee Somaliland soo jirtay waxaan kusoo dhaqamaynay islamarkaana ina kala hagaayey waa shuurda iyo sharciyadaa aynu dhiganay.

Hadaba waxaa is weyndiin leh Xukuumada Somaliland xaq ma u leedahay inay iibiso, Wareejiso  ama kirayso  Hantida qaranka ee ay iyadu masuulka umada uga tahay?  Jawaabteeda waxaan odhan karnaa haaa sababtoo ah  Xukuumada marka hore iyadaa masuuliyada ugu horaysaa ka saaran tahay ilaalinta hantida qaranka marka labaadna sharciga ayaa siinaya awoodaha ay ku iibin karto kuna kirayn karto sidoo kale dastuurkeenu wuxuu dhigayaa inay Xukuumadu samayn karto tasaruf kasta oo waafaqsan sharciga ila eega  awoodaha sharciga ee banaynaaya , Qodobka 12aad firqadiisa 3aad  wuxuu odhanayaa “Xukuumaddu waxay awood u leedahay may yeelato, gacanta ku hayso, hanti­guurto ama ma-guurto ah, may ubsato, ubiso, kiraysato, kirayso, ku bedelato qiimo u dhigma ama ku samayso hantidaas tasaruf kasta oo sharciga waafaqsan”. Hadiiba sharkii iyo dastuurkii aynu dhiganay u banaynaayo maxaa dadku la qeylinayaan  dadka lagu wareejinaayo ee laga kiraynaayo Haamaha Shiidaalku maaha  ajaanib ee waa  dad muwaadiniin ah oo xaq u leh inay dalkooda maal gashadaan, sawaxanka iyo buuqa ay samaynayaan  kooxo yar yar oo leh dano gaara maaha in loo seeteeyo danta guud ee umadda.

Hadii aynu horumarkii wadanka isku hortaagno qabyaalad iyo siyaasad xumo xukuumadiina markay is tidhaahdo talaabo mustaqbalka horumar u ah qaad aynu ku shinbiro waaqlayno oo masuuliyadeedii ku qabsanayno, soona maqlayno siyaasi saaqida oo aan  jeclayn horumarkeena miyaanay ka dhignayn inaynaan inagu  garnayn waxa inoo dantaa iyo waxa kale ?

Xukuumada Somaliland xaq ayey u leedahay inay  iibiso ama kirayso Hantida qaranka Haamaha Shiidaalka iyo hantida gale ee ay u aragto in horumar ku jiro waa la kiraynayaa waxaana  lagu  samaynayaa tasaruf sharciga waafaqsan, xukuumadu maaha inay u joojiso cid gaara oo iska qaylisa balse waa inay meel marisaa waxkastoo dadkeeda horumar u ah.

Cali Xasan

calixasan806@gmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories