HomeXukuumada M/weyne Siilaanyo way Ku Fashilantay Meel Marinta Heshiiskii Xumad Jabinta Ahaa...

Xukuumada M/weyne Siilaanyo way Ku Fashilantay Meel Marinta Heshiiskii Xumad Jabinta Ahaa Ee Ay Lagashay Xisbiyada Mucaaridka JSL.

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

sawir“Waxa Nasiib Daro ah in M/weyne Siilaanyo isagoo Og Inaanay Waxba Ka Fulayn Heshiiskaa Madhalayska ah Inuu Yidhaahdo Wada Hadalbaan Ka Furayaa Go,aankii Golaha Guurtida”

Xukuumada M/weyne Siilaanyo oo shantii sano ee la doortay awoodi kari wayday inay dalka ka hirgaliso doorashooyin xor ah oo xalaal ah, 21 April 2015 ayaa Komishanka Doorashooyinka Qaranku ku dhawaaqay inaanay suurto gal ahayn in doorashooyinka m/weynaha iyo G.wakiilada ay ka dhacaan dalka 26june 2015, warqadaas oo m/weynahu u gudbiyay Golaha Guurtida oo awood dastuuri ah u leh hadii dalka ay ka qabsoomi wayaan doorashooyinku inay samayn karaan mudo kordhin lagu qaban karo doorasho.

11 May 2015 wuxuu Golaha Guurtidu ku dhawaaqay mudo kordhin sanad iyo toban bilood ah, arinkaas oo dhamaan mucaaridku ka biyo diideen si cadna ay uga horyimaadeen inaanay ogalaanayn mudadaa guurtidu samaysay, beesha caalamka ayaa sidoo kale diiday mudadaa kadib waxay culays ku saartay xukuumada inay arinkaas wax ka qabato, xukuumadu iyadoo raali galinaysa beesha caalamka ayay ku dhawaaqday inay wada hadal la samaynayso xisbiyada mucaarid lagaga wada hadlayo kago,aankaa guurtida.

Xukuumadu M/weyne Siilaanyo waxay la samaysay xisbiyada mucaaridka ah heshiis Ma Dhalays ah oo Aanay Waxba Ka Soconayn Usoo Wakiishay M/weyne xigeenka Saylici iyo gudd. Muuse Biixi, wax taas kasii daran iyagoo meel walba ka lahaa Kamaanu Bixin Heshiiskii Xisbiyada Mucaaradka aanu la Galnay Ee Mudo Kordhinta Guurtida(Ilaahow Haa iyo Maya Meel Hanagaga Wada Yeedhsiin),

Waxa nasiib daro ah in M/weyne Siilaanyo isagoo og Inaanay Waxba Ka Fulayn Heshiiskaa Madhalayska ah inuu yidhaahdo wada hadalbaan ka furayaa Go,aankii Golaha Guurtida oo waxaan idinkula heshiiyay in doorashadu la qabto Dec.2016, Maantana Odayaashii Golaha Guurtidu ay inoo sheegaan inay M/weynaha ka diideen inaanu ka noqono go,aankii aanu mudada ugu kordhinay xukuumada iyo golaha wakiilada,goobta ay odayaashu kula hadleen saxaafada oo ahayd xarunta madaxtooyada dhexdeeda kamay hadal cid ka socota xukuumada oo shirkaas iyo ujeedooyinkiisa ka hadhashay, hadaba waxaan kusoo ururinayaa hadalkayga M/weyne adigaa iska leh masuuliyada qabashada doorashooyinka hadii aad ku qaban kari wayday waqtigii lagu doortay gudihiisa, may ahayn in mudo kordhintii laguu sameeyay ay dalkan ka dhaliso buuq iyo jahawareer siyaasadeed iyo heshiisyo madhalays ah oo aad mucaaridka ku maaweelisaan, dalkan badbaadadiisu gacantaada ayay ku jirtaa waxaan kugula talinayaa inaad go,aan kazoo saarto arimaha badan ee ku dul hoganaya oo ay ugu horayso inaad shacabka Somaliland iyo X.mucaaridka u cadayso maalinta ay dhacayso doorashadu degreetana aad kusoo saarto, hawlaha ka qabyada ah doorashadana aad dardar galiso sida, xeerkii doorashada golaha wakiilada, diiwaangalintii madniga ahayd iyo tii codbixinta labadaba.

 

Alaa Mahad Leh

Maxamed Aadan Dube “Gacayte”

Siyaasi falanqeeya arimaha siyaasada somaliland

Gacayte09@hotmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories